Faallo: Michael Keating oo Bogaadinayaa Guusha Ciidanka Difaaca Puntland ay kasoo hoyiyeen Alshabaabka

21 Marso 2016 (Puntlandes) Ergayga gaar ah ee xogyaha Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Amb Michael Keating ayaa qarin karoi waayey Guusha Allah ku manaystay Ciidan Difaaca Puntland oo ay Hogaaminayso dawladooda Puntland ayna garan taagnaayeemn Shacabka dawladnimadu ku dheer tahay ee Puntland.

 

158ab

Amb Michael Keating ayaa ka aamusnaa Ashabaabkii soo weeraray Puntland mudda ah Todobo Maalmood ka, iyadoo ay Alshabaab Puntland soo weerareen 14kii bishaan Maarso.

Keating ayaa 7 cisho kadib waxa uu sheegaa inuu cambaaraynayo gelintaanka Alshabaab ee Puntland, isagoo ammaanay Jawaabta ay dowladda Puntland ka bixisay wuxuuna yiri “Waxaan si weyn u bogaadinayaa jawaabta deg degga ah ee ay Puntland bixisay intii lagu gudo jiray dagaalka ay Alshabaab la gashay”

Hadalka kasoo yeeray Michael Keating ayaa imaanaya iyadoo dowladda Puntland ay guulo waaweyn TAARIIKHI ah ka gaartay Alshabaabkii soo Weeraray Puntland , iyadoo Cahgta marisay.

Keating-ka hada soo Hambalyaynaya Warbaahinta Puntlandes waxay ka tiri: Puntland Guusheeda cidina ma qarin karto, waa Meeshii ay Soomaalidu ugu maahmaahday “Xagolo Geel Wax Gunta la geliyo ka Wayn”

Puntlandes.com

About The Author