Ciidanka Difaaca Puntland oo Ugaarsi ka wada Degaanka Garacad

22 Marso 2016 (Puntlandes) Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku guda jira saacadihii u dambeeyey ee Halwgalka Alshabaab Sifaynta ee ay ka wadeen maalmihii lasoo dhaafay Deegaanaka Garacad.

Ciidanka Difaaca Puntland  ayaa ugaarsanaya Firxadka Alshabaab, iyagoo ku raad joogaan meel kastana uga damagelaya. Goobaha hada Halwgalku ka socdo waxay Garcad ujirtaa 30km sida ay Xigta ku heshay Warbaahinta Puntlandes.

216-2

Dagaalkii shalay ka dhacay Aaga Garacad oo intii ka hartay Doraaad ay Ciidanka Difaaca Puntland  israacsheen ayaa waxaa Kaga Geeryooday saraakiila uu ku jiray nin Cadaan.

Ciidanka Difaaca Puntland  ayaa Xalay gelinkii dambe wereray meel Firxadkoodu ku sugnaa lamana hayo  khassaraha Gaaray Yeesheeh waxaa la Xaqiijiyay maleeshiyada Alshabaab  ee la Ugaarsanayo ay tiro ahaan yihiin in ka yar 40

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author