Akhriso: Madaxweynaha DFS Xasan oo ku Khasbanaaday inuu u hambalyeeyay Ciidanka Difaaca Puntland 9 cisho kadib

23 Marso 2016 (Puntlandes) Iyadoo ay Alshabaab soo weerartay Puntland 14kii bishan Marso ee maanta ah 23ka ayna Cagta mariyeen CIIDAN DIFAACA PUNTLAND Malayshiyadoo soo weerartay Puntland ayaa maanta waxaa ka aamusnaan kari waayey Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh, isagoo awal ay la ahayd in ay Alshabaab ku baahi doonto Puntland kadibna uu geyn doona AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa Warsaxaafadeed usoo saaray ku yiri sidatan:

Xasan Sheekh: “Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa uguna hambalyeynayaa geesiyaasha ciidanka Puntland guusha taariikhiga ah ee ay gaareen ee ay ku burburiyeen argagixisada Al Shabaab oo caadeystey falalka diinta iyo aadminimadaba ka baxsan’’.

216-5

Xasan Sheekh: ‘’Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira waxay ka mideysan yihiin dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, waana waajib ina wada saaran inaan taageero buuxda u fidino degaan walba oo dalka ka mid ah oo khatar kala soo gudboonaada argagixisada. Al Shabaab waa naf la caari, markii culeyska gobollada kale ka haysta uu kordhey ayay isku dayeen inay goobo kale oo dagaal ka furan Puntland, taasina waxay noqotey riyo ay beeniyeen ciidanka maamulka Puntland’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Puntlandes.com

About The Author