Akhriso Khasaaraha: Puntland oo sheegtay inuu si rasmi ah usoo Afjarmay Hawlgalkii Ciidanku ka wadeen Deganada SUUJ & Garacad

24 Marso 2016 (Puntlandes) Dawlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay inuu soo Afjarmay Hawlgalkii loogu magacdaray DANAB  ee kasocdayqayb ka mida xeebaha Gobalada Nugaal iyo Mudug, kaasoo looga sifeynayey Malayshiyo  Alshabaab oo degaanadaas dhanka Bada kaga soo duullay 14kii Marso.

216-8b1

 

Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi Saciid Dheere ayaa Sheegay in hawlgalkii DANAB ee Argagixisada Alshabaab looga Sifaymnayey Puntland uu kusoo dhamaaday si Guul ah waxaana uu sheegay in hawlgalkaas Kooxda Alshabaab looga dilay 279 Dagaaladii ka dhacay labada aag ee kala ahaa SUUJ iyo Degaanka Garacad, waxaana Alshabaab gacanta looga dhigay maxaabiis ah 108 kuwaas oo isugu jira Caruur iyo dad waawayn.

Hawlgalkii Garacad

Dawlada Puntland ayaa sheegtay in Hawlgalkii ka socday Garacad inay ku dishay 208 Alshabaab ah, ayna ku qabatay 64 kale.

Hawlgalkii SUUJ

Dhanka Suuj ayey dawladu sheegtay in lagu dilay 71, laguna qabtay 44.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in Alshabaabkii Puntland soo Weeraray ay ahaayeen 600 ayna firxadeen intii kale laga saaray Xaduudka Puntland ee dhanka Koonfurta Soomaaliya.

Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Difaaca Puntland

Ciidanka Difaaca Puntland Hawlgalkii DANAB ee Argagixisada Alshabaab looga Sifeeyey Puntland waxaa kaga dhintay 20 Askari, halka uu dhaawac soo gaaray 60 Ciidanka ah.

About The Author