Maxaabiis Alshabaab ah oo lagu qabtay Degmada Bandarbayla ee Gobolka Karkaar Dagaal kooban ka dib

24 Marso 2016 (Puntlandes) Ciidamada amaanka ee Gobolka Karkaar ayaa howlgal ay ka sameeyey deegaanada Dhalinbaar, Durdura iyo togga Qundheed oo kawada tirsan degmada Bandarbayla ee gobolka Karkaar kusoo qabtay Maxaabiis Alshabaab ka tirsan.

217-2c

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Dawlada Puntland ee ka hawlgala Gobolka Karkaar ay kusoo qabteen lix maxbuus oo ka tirsan ururka Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay iska horimaad dhexmaray labada dhinac, kaasoo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Ciidamada Dowladda Puntland katirsan.

Dwaynaha ayaa kusoo wargaliyey laamaha amaanka ee Gobolka Karkaar inay halkaas soo gaareen firxad katirsan Al-shabaab, iyadoo isla markiiba ay Ciidanku ka hawlgaleen halkaasi.

Puntlandes.com

About The Author