Cabaas Iimaan Cabdille oo ku baasay heerka ugu sareeya ee Jaamacada(firt Class) ee Jaamacada Kampala university taariikh cusubna reebay

Warbaahinta madaxa Banaan ee Puntlandes.com oo marwalba u taagan tabinta warar xaqiiqo ah iyo ka haqabtirida warbixinada bulsho weynta ku xiran ayaa ogaatay in Cabaas imaan Cabdulle oo kamid ahaa 3,000 oo arday oo maanta ka qalinjabisay jaamacada Kampala University ee dhacda Dalka Uganda gaar ahaan caasimada Kampala kuwaas oo kasoo kala jeeday badiba dalalka Africa iyo qaaradaha kale ee aduunka uu jabiyay taariikh cusub maadaama uu kamid noqday ardadii ugu horaysay dhanka buundada asagoo ku baasay heerka koowaad(First Class) keenayna dhibcaha 4.5 halka ay guud ahaanba kaxigtay dhibcaha ugu sareeya oo ah 5.0 wax kayar hal dhibic taas oo ah 0.5

cabaas imaan cabdulle waa arday soomaaliyeed oo dhalinyaro ah oo kasoo jeeda deegaamada Puntland, waxayna noqonaysaa taariikhda markii ugu horaysay ee arday soomaaliyeed keeno dhibcaha intaas le’eg.

cabaas oo wariyaha puntlandes.com ee Dalka uganda u waramay ayaa wajigiisa waxaa laga dareemayay farxad, wuxuuna umahadceliyay labadiisa waarid iyo asxaabtiisii kasoo qayb gashay munaasabadiisa qalin jabinta ugu danbayna cabaas wuxuu umahadceliyay warbaahinta Puntlandes.com

waxaa ayana waxlagu farxo ahayd in Arday soomaaliyeed oo 70 kor u dhaafaya ay maanta ka qalinjabiyeen Jaamacada kampala University oo kamid ah jaamacada ugu waaweyn dalka Uganda.

1 2 3 3 4

puntlandes.com

Kampala, Uganda

About The Author