FAALLO: Farbaa ku Gogan in Galmudug ay Xaafadda Baraxley ee magaalada Gaalkacyo kusoo qabtay maxaabiis Al-shabaab ah

24 Marso 2016 (Puntlandes) Waxay ahayd shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 2016-03-23, markii la maqlay in ay maleeshiyada Gal-nus Mudug ee xaafadda baraxley ay qabteen, wax ay ugu yeereen firxadkii Al- shabaab ee hawlgalkii Danab ee ciidamada Puntland ka fuliyeen Garacad. Garacad sida aynu la wada socono waxay Gaalkacyo u jirtaa 260km. Habeenka ay maleeshiyada Baraxley Sheegeen in ay qabteen firxadkaas, isla maalinteedii waxaa lagu baacsanayey Al-shabaabkaas tuulada Dhinawda ee isla xeebta aaga Garacad.

217-2e

Hadaba, bal isweydii, in ay nimankaan habqankaahi oo 30ka gaarayaa ay waqti maalin galinkeed ah kusoo gaari karaan Gaalkacyo?

Marka aynu qiyaastaas qaadanayno waa in aynu xisaabta ku darsanaa in ay firxadkaas Al-shaab aysan gaadiid wadan.

Halkaas waxaa ka cadaanaysa in aysan waxba ka jirin sheegasha, maleeshiyada Xaafada Baraxley  ee ah in ay qabteen Al-shabaab, balse ay suurto gal tahay in si ay wax uga helaan caawimaada la fili karo in ay Puntland ku hesho libintii guusha dagaalka argigixisada, in ay xeryaha barakacayaasha koonfurta Gaalkacyo ay kasoo qafaasheen. qayb ka mida dadka meeshaas degen Iyagoo ka dhigaya maxaabiis dagaal.

Hadaba hadana isweydii, waxa ay mudan karaan masaakiintaas laga soo afduubtay Cooshadahoodii?.

Sida aynu la socono Alshabaab waa argagixiso Caalami ah. Marka waxaa dhici karta in ay sirdoonka waddamo shisheeye ay dalbadaan in ay waraysi la yeeshaan masaakiintaan argigixisada lagu sheegay.

Arintaani waxay khasbaysaa in loo dhiso sheeko ku saabsan in ay ka hor qirtaan cidda waraysiga la yeelanaysa. waxaa intaas sii dheeraan karta in ay bixiyaan xog ku saabsan sida ay u hawl galaan iyo meelaha ay ku suganyihiin argigixisadu.

Waxaynu garan karnaa inaanay sahal ahayn, in si fudud lagu ogolaado oo waliba loogu xasuusto hawl aanad shaqo ku lahayn.

Hadaba si ay taasi u meel marto waxaa lagama maarmaan noqonaysa in uu yimaado jirdil iyo caga jugleyn. Waxaa iyana dhici karta in masaakiintaas madaxa loo saaro danbiyo waaweyn, kuwaas oo keeni kara in qaybtood la laayo, si hawsha dhab loogu ekeysiiyo.

Koonfurta Soomaaliya waxaynu ognahay in ay arrintaasoo kale ay ka dhacdo iyadoo, ay bexeen erayo Soomaaliga kusoo biirey, Intii uu soomaliya dulmigu ka jirey, sida  LOOMA OOYAAN iwm.

Ilaahay ha u gargaaro looma ooyaankaas ku nool koonfurta Soomaaliya.

About The Author