Xasan Sheekh oo Gaaray Beledweyne RW Cumar na u diray Garowe

25 Marso 2016 (Puntlandes) Madaxaweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo halkaas u tagay inuu ku Ganciyo Reer Hiiraan inay tagaan shirka DAMUL JADIID ee Jowhay ay Gogoshiisu taalo.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwana ee bulshada reer Hiiraan ayaa diiday Qorshaha Xasan iyo kooxdiisa DAMUL JADIID ay ka wataan maamul u samaynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

217-3b

Dhanka kale waxaa lagu wadaa inuu Caasimada Puntland ee Garowe gaaro maanta Raysul wasaaraha Xasan Sheekh Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, oo uu ugu diray Xasan Puntland inuu Beesha Caalamka u tusiyo inuu isku dayey inuu Puntland ogolaysiiyo in Doorashada lagu waday inay ka dhacdo Soomaaliya 4 bilood ka dib, habka Qabaliga ah ee uu wato Xasan Sheekh ee ah 4.5 oo ay Puntland diiday.

Shacabka iyo dawlada Puntland ayaa COD dheer ku diiday inay ka mid noqdaan dawlad lagu soo xulay habka Qabaliga ah ee 4.5 halka uu Xasan Sheekh ugu dhegan yahay 4.5 isagoo ay ka go’an tahay inuu dib ugu soo laabto Villa Somalia.

Puntlandes.com

About The Author