Midowga Yurub oo Puntland ku Amaanay la Dagaalanka Argagaxisada Alshabaab

25 Marso 2016 (Puntlandes) Midowga Yururb ayaa ka hadlay markii ugu horeysay dagaalada dhawaan Ciidamada Difaaca Puntland iyo Alshabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Xeebaha  Puntland.
 217-2f
Wakiilka EU ee Soomaaliya, Mr. Michal Caravan ayaa sheegay taasi inay muujinayso sida Ciidamo Soomaaliyeed ay uga awood roonaan karaan maleeshiyada Alshabaab. Wuxuu intaa ku daray in dhiiranaantii dhawaan ay muujiyeen ciidamada Puntland ay daliil u tahay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xataa ay jebin karaan Alshabaab.
Wuxuu sheegay in xataa Jubbaland ciidamada maamulka Jubba iyo AMISOM ay ka jawaabaan weerarada Alshabaab. Wakiilka EU ee Soomaaliya, Mr. Michal ayaa sheegay in arimahaasi teegeero ka heli karaan EU.
Si kastaba ha ahaate wakiilka EU ee Soomaaliya, Mr. Michal wuxuu sheegay in Midowga Yurub uu doonayo inuu horumariyo Booliska Soomaaliya.
Dhawaan ayaa waxaa Alshaab kooxo ka tirsan oo deegaanada Puntland gaaray ay kula dagaalameen Ciidanka Difaaca Puntland deegaano Puntland ka tirsan sida Garacad iyo togga Suuj. Puntland ayaa dawladeedu sheegtay inaysan wax kaalmo ah u baahnayn inay Alshabaab iska caabbiso.

About The Author