KOOXDA DAMUL JADIID OO OLOLE XOOGAN UGU JIRTA IN BARLAMANKA DFS DIIDO HANAANKII DOORASHADA

4 May 2016 (Puntlandes) Kooxda ka Talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID ayaa ewaxay Baarlamaanka DFS ka dhex wadaan Olole Xoogan oo ku doonayaan in Baarlamaaka DFS uu diido Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey kaasoo uu Baarlamaanka horgeeyey Sabtidii la soo dhaafay raysul Wasaaraha DFS si ay u Ansixiyaan.

221-8a4

Xog hoose oo ay heshay watrbaahinta Puntlandes ayaa sheegaysa in Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ka tirsan Kooxda DAMUL JADIID iyo Kooxdiisaba ay olole Xoogan ugu jiraan in Baarlamaanku uu Diido wixii lagu soo Heshiiyey kadibna ay Ansixiyaan sida ay DAMUL JADIID doonayso, taaso ah:

  1. In Xildhibaanada ay soo Xulaan oo kaliya 135 tii oday halkii makii hore lagu Heshiiyey Doorasho dadban
  2. In Xulista Xildhibaanda ay ka dhacdo Xamar halkii makii hore lagu Heshiiyey Caasimada maamul Goboleedyada
  3. In hal Gudi oo Doorasho uu jiri doono kaasoo ah kii ay Xaliimo Yaray madaxda u ahayd oo ay DAMUL JADIID magacaabatay halkii makii hore lagu Heshiiyey inay jirayaan labo Gudi oo lawado magacaabo.

Haddii ay dhacdo in uu Baarlamaanka DFS wax ka bedelo Heshiisyadii lagu Heshiiyey waxay sababaysaa Muran Horleh iyo kala fogaansho maadaama la diiday Heshiiskii Garowe.

Puntlandes.com

About The Author