Sawiro: Ururka dhaqaatiirta Puntlland oo Shirwaynihoodii Garowe ka dhacay

7 May 2016 (Puntlandes) Ururka dhaqaatiirta Puntlland ayaa soo gabagabeeyay shirkoodii labaad ee sanadlaha ahaa, kaasoo looga hadlayay waxqabadka ururka iyo doorashada gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Puntland iyo guddiga sare ee dhaqaatiirta

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise (Cuuke) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ka qeyb galay shirkaan, waxaana sidoo kale kasoo qeyb galay in ka badan 50 qof oo isugu jiray dhaqaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo ka socda gobolada Puntland.

Waxyaabaha aad looga hadlay shirkaan waxaa kamid ahaa falaqaynta xeer hoosaadka xirfadlayaasha caafimaadka, sidoo kale Dr. Ibraahim Obsiiye Cilmi ayaa madasha kasoo jeediyay warbixin uu kaga hadlayay guulaha ururku dhaqaatiirtu gaareen, caqabadihii ay la kulmeen iyo casharadii ay ka barteen.

Gudoomiyihii hore ee ururka dhaqaatiirta Puntland Dr Cabdi Risaaq Cartan ayaa sheegay ururka dhaqaatiirtu inuu wax badan ku tilaabsaday labadii sano ee uu jiray, sidoo kalena ay jiraan waxyaabo badan oo aan usuurto gelin, kuwaas oo kamid ahaa qorshayaasha ururka.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cuuke iyo agaasimaha guud Dr. Cabdirisaaq Xirsan Xasan ayaa madasha ka hadlay, waxayna sheegeen wasaaradda caafimaadku inay kaalin weyn ka qaadatay meesha uu haatan taagan yahay ururka dhaqaatiirta Puntland, waxayna wasiirka iyo agaasimuhu faahfaahin ka bixiyeen xeerka xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay.

Ugu dambayn waxaa shirka gabagabadiisii gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Puntland loogu doortay Dr. Cabdiqaadir Maxamed Jaamac (Dhagacade), waxaana xilkaan kula tartamay tiro musharixiin ah, sidoo kale waxaa isla meesha lagu doortay guddiga sare ee ururka dhaaatiirta Puntland.

Daawo Sawiradda.

_DSC4290

_DSC4292

_DSC4294

_DSC4296

_DSC4297

_DSC4300

_DSC4303

_DSC4305

_DSC4307

_DSC4309

_DSC4310

_DSC4312

_DSC4313

_DSC4319

_DSC4321

_DSC4327

_DSC4328

_DSC4330

_DSC4331

_DSC4334

_DSC4340

About The Author