Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo la kulmay Amiirka Kuwait

18 May 2016 (Puntlandes) Wafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga DFS Sareeyo Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ay wehliyan Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Saraakiil sar sare ayaa goor dhow soo gaaray Dalka Kuwait.

Wafdiga Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait iyo Safiirka Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, iyadoo wafdiga Wasiirka markiiba loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada Kuwait, halkaas oo uu ku qaabileen Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaax.

Kulanka Amiirka kadib waxaa Wafdiga Wasiirka loo gudbiyay Raysul Wasaaraha Kuwait oo kulan gaaban kula qaatay Xafiiskiisa.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Saraakiil Sar Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa kulamo shaqo la wadaagi doono dhigooda Difaaca Kuwait iyada oo booqashadani tahay mid aad u sareysa oo laga filayo in ay horey u qaado Iskaashiga xagga amniga ee labada dal.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo aan wax ka weydiinay socdaalka Wafdigan ayaa noo sheegay in booqashadani tahay mid gaar ah oo muujineysa sida ay dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiso arrinta Amiga oo ah mushkiladda ugu weyn ee maanta Dalkeena ka taagan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait oo mar walba ahaa mid aad u sareeya oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ayaa hadda u muuqda in uu sii xoogeysanayo marka aad eegto sida weyn ee loo soo dhaweeyay Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, oo markii Madaarka laga soo qaaday toos loogu galbiyay Amiirka Kuwait, taas oo ah mid aan wafuuda heerkan ee Dowladaha kale u sahlaneyn.

13223437_1037761542969305_575367008_o

1

2

3

 

13223559_1037725549639571_1925782385_o

13225203_1037725539639572_951118386_o

13234762_1037725499639576_1066463582_o

Puntlandes.com

About The Author