BREAKING NEWS: Boqor Burhaan & Isimadii Garowe ee diiday Shirka Qardho oo wada hadalo u bilowdeen

22 May 2016 (Puntlandes)  Shalay ayey Amiir Maxamuud iyo Iimaam Abdiwahab Maxamuud Guray waxay kula kulmeen magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Isimada ku sugan Garowe ee uu Hogaaminyo Islaam Ciisewaxayna kala hadleen in wax walba wada hadal lagu dhameeyo lana dhex dhexaadiyo iyaga iyo Boqor Burhaan wayna ka aqbaleen Isimadii Garowe in wada hadal uu Furmo.

223-8b

Maanta ayaa waxaa waxaaka dhacay magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Madasha Boqorka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan iyo Ismadii Madasha joogay oo dhan ah iyo  Amiir Maxamuud iyo Iimaam Abdiwahab Maxamuud Guray oo dhanka kale ah ayaa wada Hadalo dheer kadib waxa la isla qaatay in wax walbo wada hadal lagu dhameeyo Isimadi Qardho ku sugnaa oo uu shir gudoominayay Boqor Burhaan arinka waa Aqbaleen waana qaateen.

223-8b1
Intaa Kadib waxaa Madasha Qardho lagu magacaabay Isimadii U kala dab qaadi laheeyd Madasha Qardho iyo Isimada Garoowe ku sugan, waxaana la magacaabay 14 Isin o reer Puntland ah.

223-8b2
‪Magacyada Isimada la xulay.

1.Suldaan Siciid Suldaan Cabdi salaan.
2. Beeldaaje Cali Farax
3.Garaad Cabdisalaan (Taleex)
4.Suldaan Cabdiqani xaji cali Baale.
5.Suldaan Maxamed Axmed Burtinle
6.Ugaas Cabdi jaliil Cali Farax
7.Ugaas Cabdilahi Ciise (Boocame)
8.Suldaan Ciise Maxamed Ciise
9.Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cllaahi.
10.Suldan Maxamed Maxamud Cilmi Calas.
11.Imaam Abdi wahab Maxamud Guray.
12.Amiir Mohamud Yuusuf Ciise
Gudigan Isimada ah ayaa gaaray Magaalada Garoowe ayagoo halkaa kulan kula qaadanayo iminka Isimada halkaa ku sugan , waxaa la rajanayaa in dhawaan khilaafka la soo afjarayo Hal Madal iyo Shir la iskugu tagayo.

Puntlandes.com

About The Author