Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo sheegtay in la jabsaday imtixaankii fasalka 8-aad ee tuulada Qarxis ayna talaabo ka qaaday

22 May 2016 (Puntlandes) Waxay shalay koox abaabulan jabsatay imtixaankii Fasalka 8-aad ee tuulada Qarxis oo hoostagta degmada Eyl ee gobolka Nugaal, War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu sheegay sidaas.

Waxayna Wasaaraddu sheegtay in lasoo qabtay kooxdii abaabulnayd,  islamarkaana hadda ay xabsi ku jiraan, waxayna tilmaamtay in sharciga la horgayn doono.

Imtixaanka tuulada Qarxis ayey wasaaraddu sheegtay inay go’aan ka qaadan doonto, sababta Imtixaanka lagu jabsaday ayey ku tilmaamtay in lasoo weeraray masuulkii hayey Imtixaanka ee joogay deegaanka, iyadoo ay Wasaaradu sheegtay in lagu noqonayo Imtixaankii ay Ardaydu gashay.

Waa markii ugu horaysay oo Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland sidan oo kale loo jabsado, waxaa Imtixaanka la jabsaday  lasoo dhigay baraha bulshada ee Facebookga.

Halkan ka akhriso war-murtiyeedka.

223-8b7

Puntlandes.com

About The Author