Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland.

0

Sabti 28 ka jun 2014 ayay ahayd marka uu dib ugu soo laabtay Garowe Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) soo dhaweyn ka dib Arbaco 2 da July 2014 waxaa mar qudha soo yeertay qayladhaan ka timid Isbitaalada Garowe, Gaalkacyo, Xabsiga iyo Ciidamo gadoodsan oo mushahaarkoodii la,a.

 

Agaasimaha Isbitaalka Jaamacadda Gaalkacyo Dr.Maxamed Xuseen ayaa ka mid ahaa dadkii  sheegay in uu xirmayo Isbitaalku haddii aan reer Gaalakacyood gurmad deg dega la soo gaarin!

 

Waa yaabe isbedelkii ma saanuu noqday? Aaway doorkii Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo Kaalintii Dowlada ? Halkan ka dhagayso cabashada iyo xaalada ka jirta Isbitaalka Gaalkacyo.

 

Kuma aysan joogsan qaylo dhaantu Isbitaalka Gaalkacyo ee iyana waxa si la mid ah qeylo dhaan uga timid goobo ay ka mid yihiin Isbitaalka Garowe, iyo Xabsiga weyn ee Duleedka Garowe ku yaala ka dib markii ay booqasho ku tageen isla maalintaas mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Dowlada Puntland Halkan ka dhagayso  kormeerka xillibaanadu ku tageen Isbitaalka Garowe iyo Xabsiga.     

 

29Khamiis 3 dii julay 2014 kaba sii darane, waxa mar kale dib loogu khasbay inuu warbaahinta ka hadlo  taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar kuna beeniyo warbixintii uu maalin ka hor warfidiyeenka ku siiyey dhibaatada xabsiga ka jirtay waxayna taasi dad badan ku noqotay dhabano hays iyo amakaag kusoo kordhay  Halkan ka dhagayso taliyaha iyo wakiil Hay’adda UNODC

 

Shirkii khamiis laha ee golaha Wasiirada Puntland oo qabsoomay maalintii shalay  3 dii julay 2014, Ma Isweydiisay maxaa lagu soo qaaday ma baahiyaha dalka ka jira Mise sheekooyin hor leh oo Dheelalow ah  Halkan ka dhagayso Afhayeen Dowlada Puntland 

 

Shirkii Khamiis laha ahaa ee maalintii shalay golaha Xukuumada Puntland ku yeesheen Madaxtooyada Garowe habayaraatee laguma soo qaadin sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha qeylo dhaantu ka taagnayd iyo sidii ay Xukuumadu jawaab uga bixin lahayn.

 

Nasiib daro shirka waxa lagu soo qaaday sheekooyin cusub oo u muuqda kuwo “Dheelalow ah “ oo aan looga fadhiyin Xukuumada Gaas, “Ma isweydiiseen maxaa ka mid ahaa qodobada shirka lagu soo qaaday oo ka daadagi,la,a inta badan shacabka Puntland !.

 

Hadaba hoos ka akhriso nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka shirka wasiirada oo ay goob joog u ahaayeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa  laga soo saarey ” .

 

5. Gollaha Xukuumada Puntland wuxuu maanta kaga hadlay shirkiisa khamiis lahaa doorka siyaasada ee dawladda  iyo waxqabadka  xukuumada lixdii bilood ee la soo dhaafay ,waxaana la aqoonsaday in xukuumaddani ay tahay Dawladdii ugu horaysay ee la timaada qorshe sanadeed cad oo shacabku kula xisaabtamaan, isla markaana  gaadhay talaabooyin horumar leh marka loo eego mudadii 5’ta bilood ahayd ee ay Xukuumadani jirtay ”  Oo Mee ” Oo Mee ‘ Oo Mee?

 

286. Goluhu wuxuu war-biximo ka  dhageystay wasiiro shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa oo ay mid yihiin wasiirka qorsheynta oo jirey dalalka swedan iyo Kenya,wasiirka wax-barashada oo ku maqnaa dalalka Sudan iyo Brussels, wasiirka war-faafinta oo jiray gobolka garda-fuul, iyo wasiirka howlaha guud oo ka war-bixiyey halka ay wax u marayaan gudiga soo celinta hantida dawladda

 

Goluhu  markuu dhegeystay warbixinta laga keenay Gobolka Garda-ful Wuxuu balan qaaday in si dhakhso ah wax looga qaban doono baahida ugu muhiimsan ee dhinaca wadada isku xirta Caluula iyo Baar-gaal

 

Sidoo kale waxaa goluhu  amar ku bixiyeen sida ugu dhaqsaha badan loo dayac tiro goobihii taariikhiga ahaa sida daartii boqor cismaan iyo goobaha kale ee taariikhiga ah ee Puntland ku yaal.”

 

Akhristoow bal eeg weerahan ku haboon jawaabta warsaxaafadeedka.

 

Waxaqabadka xukuumada lixdii bilood ee la soo dhaafay: Waxay ila tahay in loola jeedo  Safaradii Tamashlaynta ahaa baa waxqabad la moodey ama la noqotay

 

Ma jiraa qodob muhiima oo dadka Puntland ugu muuqan kara wax-qabad rasmiya oo dhinaca Siyaasada, Mashaariicda, Amniga, iyo Dhaqaalaha oo ay ku talaabsatay Xukuumada Madaxweyne C.wali Cali Gaas ee ku guulaysatay halka cod ee mucjisada ah xilli uu u muuqdo qodobadii warsaxaafadeedka shirkoodii shalay kuwo faan Lee ku kooban !.

 

Xukuumadu wali ma waxay moodaysaa inay Olole Doorasho ku jirto ?  xilli isbitaalada Garowe, Gaalkacyo iyo Xabsiyadu ay qarka u saaran yihiin inay  Xirmaan iyo Waliba Ciidankii oo la gadoodsan mushahaar la,aan dartiis hadaba May ku bixiso kharash-ka dhismaha wadooyinka iyo dayactirada ay u qoondeyso ?.

4

Waa yaabe talow  ma Taleex oo laga qabsaday bay dayactiri doontaa Puntland ?   May ku bixiso dhaqaalaha dayactirka iyo wadooyinka lagu dhisayo Isbitilaada , Xabsiyada iyo Mushahaarooyinka Shaqaalaha iyo Ciidamada ! , May ku saxdo cabashada dabo taala ! May joojiso safarada u badan dalxiiska iyo tamashlaynta !  May ka fiirsato wararka ay lasoo shir tagayso !  May ka tanaasusho shirarka ay Muqdisho u tagayso ileen ogolaanshiyo sharciyeed uma haystaane .

 

Isbedelkii Puntland ka dhacay waxaad moodaa mid kusoo aruuray Qawda maqashii Waxna ha u qaban, ! Waa Su,aal u baahan dadka Puntland inay isweydiiyaan” Yuu Madaxweyne Gaas Ogolaanshiyo uga haystaa dib usoo celinta Xiriirka Dowlada Xasan Sheekh Maxamud isagoo eegaya danihiisa gaar ahaaneed ?

 

Goorma ayay ku haboon tahay inay qaadaan  Baarlamanka Puntland talaabo dastuuriya oo ay kula xisaabtamayaan  Siyaasada aan fadhiyin ee Xukuumada Prof Gaas ku hogaaminayso jihooyin aan lahayn soo dhaweyn ama taageero ay ku raacsiisan yihiin Mujtamaca u dhashay  Puntland ?  Nin-ba ceesaantiis cirka ku maal miyay la micno noqotay Isbedelkii aynu wada sugaynay kol hadii loo jeedo meesha ay sal dhigatay qorshihii uu lahaa Dr Gaas .

 

Mahadsanidin
Puntlandes.com

info@puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *