Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland “Special Report”.

0

Sabti 5  July 2014 ayay ahayd markii uu kormeer ku tegay Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) xafiisyada iyo xarumaha wasaaradaha dawlada Puntland ee magaalo madaxda Garowe.

 

Wuxuu kusoo arkay Gaas Wasaarado aan loo soo shaqo tegin

Waa yaabe isbedelkii ma saanuu noqday? Aaway Shaqadii Xafiisyada ka socon jirtay ? 

 

Isla maalintaa ciidanka xerada Gen Maxamed Dirir ee horey loo oran jirey 54-aad kuna taala duleedka Waqooyi ee magaalo madaxda Puntland Garowe ayaa mudaharaad ku muujiyay mushahaar la,aan 4-bilood ah.

 

Waxayna ciidanka afafka horre iyo hareeraha xeradooda ka dhigeen mudaharaad xoogan oo taayiro ay ku gubeen sidoo kalena ay amar diido ku sameeyeen saraakiisha xukuntay inay gudaha usoo galaan xerada

 

Sida ay xogta lagu helayso waa mid taagan arrintaas ilaa iyo hada oo laga la,a yahay xalkeeda Xukuumada C.wali Gaas sababtayna cutubyo ka tirsan ciidamadaas inay ka goosteen iyaga oo sita hub ay leedahay Dowlada Puntland

 

Faahfaahinta halkan ka daawo sawirada gadoodkii ciidanka.

Ma durbo ayaa mushahaarkii loo waayay Ciidamada xilli C.wali dalka hogaaminayo 6 bilood oo kaliya ” Aaway isbedelkii ? Aaway barwaaqadii ?, Maxaa ka fulay  balanqaad-kii faraha badnaa???

 

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dhacdooyinka todobaadka ee Puntland ka dib markii uu sheegey Wasiirka Waxbarashada Cali Xaji inay weli dowladda federalka Soomaaliya hortaagan tahay Shahaadada Waxbarashada ee Puntland inay ka shaqayso dalka Suudaan.

 

Waxayna ka mid tahay caqabadaha hortaagan in Sudan laga waayo deeq wax barasho sanadkan waxayna ka mid ahayd Suudaan dalalka sanad walba waxbarasho siin jiray boqolaal ka mid ah ardayda baxda dugsiyadda sare ee Puntland

30

Cali Xaaji Ma Xujaa ayuu ka hooseeyaa Mise Siduu Sheegey Xamar ayay u xayir-naan doonaan Ardeydu xanibaada ay kusoo rogtay, horeyse Xujaa markuu kumaan u dirayay waxbarasho ma Muqdisho ayuu fasax uga haysta ??? Ma sidaas buu dhalay Isku dhiibitaankii Muqdisho iyo Xukuumada C.wali ?.

 

Faahfaahinta  hadalka Cali Xaaji Riix halkan 

 

Dhacdooyinka todobaadka ee Puntland oo u badnaa kuwo argagax leh ayaa waxa ka mid ahaa ka dib markii uu soo shaac saarey Mudane Gaas in wax laga bedelay magacii Pasport-ka Somalia lagana dhigay beeshii ahayd Somali Pasport Federal ” Jamhuuriyada Somaliya ” hadaba C.wali Arag-yee muxuu ka qaban arrintaan ? 

31

Riix halkan Madaxweyne Gaas oo soo bandhigaya Pasport-ka magaca laga bedelay ee lagu bixinayo Garowe.

 

Talaabooyinka waa kuwo u muuqda inay C.wali Gaas iyo Cali Xaaji u meel dayanayaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen hoos tagaynta Puntland in laga xukumo Muqdisho,

 

Waayo waxa uu ku dhawaaqay wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji inuu dhaho durba ha loo doonto Muqdisho Shahaado hadii kale lama heli doono Waxbarasho Jaamacadeed oo Banaanka u aadayso ardeydu.“Waa yaabe yaa idinka yeelin ?

 

SNTV wuxuu baahiyey dhamaadka todobaadkan inuu uga mahad celinayo wasiirka warfaafinta DFS Mustafe Dhuxulow Madaxweyne Gaas soo dhaweyntii uu ugu sameeyey Puntland, Cajiib, Waxay taasina muujinaysaa midda kaliya ee aynu ka dhaxal-nay Isbedelkii ka dhacay Puntland horaantii sanadkan.

33

Magacaabista Gobol ee maamulka Somaliland degmada Taleex oo ka tirsan Puntland waxay ka mid ahayd dhacdooyinka Istacajabka lahaa ee Puntland soo marey todobaadkan, Waa Yaabe Isbedelkii ma sidaas ayaa laga dhigay ” wixii faahfaahin ee Gobolka Somaliland ka magacowday “Riix halkan si aad uga heshid.

 

Axadii oo ku beegnayd 06 July 2014 waxa warsaxaafadeed wadajir usoo saarey Puntland iyo Maamulka KMG ee Jubba, waxaana lagu amaanay doorka uu ka qaatay Maamulka KMG ee Jubba difaacida Dastuurka Federalka ka dib markii la waayay kaalin Puntland ay arrintaas ku leedahay wixii ka danbeeyey doorashadii ka dhacdey Riix halkan si aad ug dhagaysto faahfaahin ku saabsan hadalkan

 

Salaaso 8 dii julay 2014 sidii caadada u ahayd xukuumada Gaas shaqo waaba iska yaray-dba maxaa yeelay waxaa yimid Garowe wafti uu hogaaminayo safiirka Talyaaniga, waxayna ku mashquuleen Madaxweyne , Wasiiro iyo Waliba intii ka hoosaysay Safiirka soo cago dhigtay Garowe.

38

Arbaco 9 ka 2014 julay waxaa safirka Talyaanigu qalab ku wareejiyey isbitaalka Garowe cidina uma kala harin Xukuumadii oo waa laga wada qeyb galay xafladaas. Fadlan halkan ka eeg sawirada xaflada

 

Waxaa kaloo la qabtay isla maalintaas xaflad kale oon loo kala harin oo loogu magac daray Safiirka Talyaaniga oo ku wareejiyey dowlada Puntland TV ga . halkan ka eeg sawirada xaflada.

 

Mana jirin wax hawl maalmeed ah oo wali kusoo kordhay in laga sameeyo Caasimada iyo Gobolada kale ee Puntland, waayo shaqada dowladu gabaabsi ayay iska-ba ahayd tan iyo wixii ka danbeeyey Isbedelkii dhacay 08 Janaury 2014.

 

Sanadkii waa 365 maalmood tusaale ahaan maalmaha shaqada laga fariisto sida feestooyinka maahee inta kale waa la shaqeeyaa mana dhacdo in shaqo looga joog-sado xaflad iyo imaanshiyaha wafti lasoo dhaweynayo.

 

Shirkii Xukuumada Gaas.

37

Khamiis 10 ka julay 2014 waxaa ku qabsoomay xarunta  madaxtooyada Puntlnad  shirkii khamiislaha ahaa iyadoo  aan lagu carabaabin ama aan lagu soo qaadin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka waaweyn ee ka jira Puntland.

 

Sidii caadada u ahayd dowlada Gaas waxaa kaliya ee lagu soo qaaday baraarug aan meel wax laga qabto la garanayn oo isugu ururaya ”Qowda Maqashii oo wax ha u qaban” bal aan isla eegno qodobada ka daadegi la.a shacabka Puntland!

 

Hadaba waxaanu hoos idinku soo gudbin doonaa sida ay u qornaayeen qaarkood qodobadii shirkaada laga soo saarey oo ay goob joog ka ahaayeen  Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ”

 

Hoos  Akhriso 8 Qodob Shirkii Khamiis laha ee Xukuumada Puntland 

 

Qodobka koowaad: ”Xaalada amniga Puntland marka loo eego xaalada guud ee soomaaliya waxay mareysaa meel aad u wanaagsan kaasoo shacabka Puntland iyo hey’adaha kale ee Puntland ku sugan loo cadaynayaa in amaanka guud sugan yahay”:

 

Qodobka sadexaad: ”Dawladda puntland waxay  isu diyaarinaysaa soo dhaweynta  Aasaaskii  puntland  oo ay ka  soo wareegtay 16 sano,  isla-markaana waxaa golaha wasiiradu  u magacaabeen guddi heer  wasaarado  ah”:

 

Qodobka afraad” Waxay golaha wasiiradu dhowaan soo bandhigi doonaan dib habayn ay wado Dowladu oo lagu samayn doono qaybaha kala ah .

 

– Shaqaalaha Dawladda Puntland.
– Ciidamada Dalka.
– Caddaaladda Iyo Garsoorka.
– Dhaqaalaha Iyo Horumarinta Hannaanka Cashuuraha”

 

Qodobka sideedaad: ”:Sidoo kale waxaa goluhu war-bixin ka dhageysay  wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda oo safar shaqo ku tagay dalalka jabuuti iyo yamen  isla markaana lasoo saxiixday heshiishyo  is-kaashi xaga kaluumaysiga iyo khayraadka badda ah”:

 

Bal Eeg Weerahan Jawaabta u ah Shirka Xukuumada.

 

Qodobka koowaad:- Ma waxay maraysaa Puntland maanta meel la barbar dhigo Qoryoolay iyo Villa Xamar, waana arrin laga xumaado in Isbar bar dhig lagu sameeeyo balse waxa dad badan leeyihiin waa talaabo uu keenay Isbedelku.

4

Qodobka sadexaad: Inkastoo uu hurdo ka toos baraarug uu yahay hadana qodobkaas warsaxaafadeedka shirka golaha xukuumada ku jirey wuxuu mudan yahay soo dhawayn , inkastoo aan si rasmiya loo sheegin kharash-ka loo qoondeeyey Xafladaas, waayo wuxuu shaki ka jiraa in dad lacag ama hanti ku lunsadaan.

 

Qodobka afraad” Ilaa iyo intii uu talada Puntland la wareegey Mudane Gaas ama kooxda loo yaqaano” isbedeldoonka” waxa uu Gaas TV yada, idaacadaha iyo meelaha kale ee wararka lagu baahiyo ka sheegayay inay badan yihiin shaqaalaha dowladu oo hoos u dhimid loo baahan yahay

 

Sidoo kalena ciidanku badan yahay oo qaar in la ruqseeyo uu u baahan yahay halka uu sheegey cadaalada iyo garsoorka inuu wax ka qaban doono si la mid ahna uu u yiri waxaan habayn doonaa dhaqaalaha iyo hanaanka canshuusraha! ”Puntland welfare” ma aha.

 

Uuna kusoo aruurayo hadafka uu arrimahaas kaga aadan Madaxweyne Gaas labo qorshe oo kala ah shaqaalaha iyo ciidamada oo noqonaysa mid ujeedo badana islamarkaana la dhihi karo ” Falaartii cirka loo tuurow nin walow filo” waa talaabo leh halisteeda leh oo aan xal u ahayn hanaanka dowladnimo ee ka jira Puntland.

 

Qodobka sideedaad: Sow sharci kuma ahayn golaha inay usoo bandhigaan dadweynaha Puntland heshiiskii dowlada Gaas kula gashay Yemen in ay u soo jeestaan badeena kuwa xaalufiyey badoodii oo ahayd arrin ay horey Puntland ula daalaa dhacaysay.

 

Gabagabo

 

Sida dhabta ee jirta Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas waa mid la isla qirey inay tahay Afka nool mana jirto wax rajo ah oo ay shacabku ka qabaan inay guulo kaga soo hoyso wxii ay horey ugu     yeereen ”isbedeldoonka”

 

Sababta sidaas loo yiri waxay ku timid ka dib markii khuburo badani isla qireen qodobada ay ka mid yihiin ” Ma ay laha Kartideeda!! Tabarteeda ma leh ! kaliya waxaa laga war sugayaa oo dhagta dadweynuhu u taagan tahay hadaba sida ay uga jawaabaan Baarlamanka Puntland sheekadan ay la daalaa dhacayso Puntland ee ay horseedka u tahay Xukuumada uu hogaaminayo C.wali Gaas.

 

Inkastoo wararka kasoo baxaya sheegayaan inay yihiin baarlamanku kuwa kaliya ee aan ku lahayn Xukuumada Gaas bil Mushahaara islamarkaana bil walba 25-keeda miiska loo saaro xilli aysan jirin Ciidan iyo Shaqaale mushahaar la siiyo taasna waa arrin falanqeynteeda u baahan .

 

Mahadsanidin
Puntlandes.com

info@puntlandes.com

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *