MAQAAL: Waa Yaabe Golihii Shacabka Puntland Xaggee Ka Baxay?

Dad Badan ayaa suu’aashaan isweydiinaya oo leh Golihii Wakiilada Puntland Xaggee Ka baxay. Ma iyadoon la ogeyn baa la laalay. Ma waxay ku milmeen Golaha Xukumadda ama Fulinta (Executive Branch).

Sida aynu wada ogsoonahay, Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL) waxay ka kooban tahay sadix qaybood: 1) Qaybta Sharci-Dajinta oo loo yaqaan Golaha Wakiillada ama Shacabka, 2) Qaybta Fulinta oo ah Golaha Xukumada waa Madaxweynaha, Wasiiradiisa, iyo kuwa kasii hooseeya, 3) Qaybta Garsoorka oo ah Maxkamadaha. Waxaa kaloo intaas raaca oo Dastuurko qorayaa in qayb kasta u madaxbannaantahay gudashada waajibaadkeeda, isla markaasna ay ka reebantahay in qaybi fuliso waajibaadka qaybkale leedahay.

Waxaa lagama maarmaan ah in sadixdaan qaybood ee dawladda ay ka dhaxayso wada shaqayn hufan oo xalaal ah, iyadoo mid waliba waajibaadkeeda dastuuriga ah gudanayso. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah inay isa sixi karaan (checks and balances), iyagoo dastuurka raacaya. Maadaama golaha fulintu ay hawsha fulinta oo maalin laha ah iyadu gacanta ku hayso, waxay u badantahay inay iyaga ka timaado isqabsiga badan ee ka dhex dhasha dawladda, ama dhexdooda ha noqoto (ka fulin ahaan), ama ha noqoto faragalin ay soo faragaliso waajibaadka qeybaha kale ee dawladda. Waxaa dici karta qaybta fulintu inay isku daydo inay wax ku maquuniso si aan waafaqsanayn sharciga. Waxaa kalo dhici karta inayna usoo bandhigin golaha wakiilada heshiisyo ay la gashay dawlado kale ama shirkado. Dabcan, golaha wakiilada ayay ka mid tahay waajibaadkooda inay dabgal ku sameeyaan arimaha noocan oo kale, haddii iyaga iyo golaha fulintuna isku afgaran waayaan, in markaa ay u gudbiyaan qaybta maxkamadaha. Haddii ay sidaan an kor ku soo xusay wax u socdaan, waa sidii la rabay, laguna gaari karo horumar taam ah, tabarto inkasta ha le’ekaato.

Maxay tahay cawaaqib xumada ka imaan karta haddii sadixdaan tiir ee ay dawladdu ku taagan tahay mid ama labo ka mid ah waajibaadkoodii gudan waayaan?

Haddii an tusaale ahaan u soo qaato in dawladnimadu tahay aqal ku taagan sadix tiir, oo an maalinta hore mid siibo, waxaa dhici kartaa in aqalkaasi sii taagnaado, balse uu liiq liiqasho bilaabo. Mid kale siib, waa ka daroo dibi dhal. Sadixdaba markaan siibo, waa isku habsanayaa oo waa dumayaa. Soo tii Soomaaliya ka dhacday ma aha? Markii xukunkii militariga ahaa la wareegey awoodii wadanka, laalay Barlamaankii iyo Dastuurkii wadanka, kuwa kale oo macmil ah jeebkiisa kala soo baxay, soo in mudda ah ma liiq liiqanayn, ilaa markii danbe uu afka ciida la galay. Wixii ka danbeeyeyna iskaga sheekayn mayno.

Haddii an u soo laabto dulucda qoraalkan oo diirada an ku saarayo waxqab la’aanta Golaha Shacabka ee Puntland, balse ad u istcmaali kartid kan Dhexe ee Federaalka iyo kuwa Dawlad Goboleedyada kale (oo ad isleedahay malaha hal riti yaa wada dhalay), waxaa jirta dhacdooyin badan sanadkan gudihiisa ka dhacay Puntland oo Golahani ama ka gaabsaday ama uusan uuga soo dhalaalin sidii waajibka ku ahayd:

1)      Waatii markay Dawladda Dhexe ku guuldaraysatay in afar (4) sano ka dib ay wadanka gaarsiiso hal qof iyo hal cod, ay soo bandhigtay in dib loogu noqdo nidaamkii qabaliga ahaa ee 4.5. Markii hore waatii shacabka qaliga ah ee reer Puntland iyo Madaxdiisu, iyagoo isku duuban, diideen qaadashada nidaamka 4.5. Dabadeed waatii Madaxweynaha DGPL, Mudane Gaas, uu aqbalay 4.5 isagoon cidna kala tashan. Dad badan ayaa wax ka qoray arintaas , soona jeediyay in Golaha Shacabku arintaas guda galo.  Yaa arkay ama maqlay Golaha Shacabku mawqif ay ka qaateen arintaas???

2)      Isla waayahaas, waatii sharwadayaashu dagaal balaaran ku soo qaadeen Gobolada Puntland, iyagoo ka soo galay dhanka xeebaha. Ilaahay mahadi, Geesiyada qalabka sida oo naftoodii u huray difaaca dadkooda iyo deegaankooda Puntland oo la kaashanaya shacabkooda qaaliga ah, waatay iska caabiyeen, cashar lama illaawaan ahna siiyeen dhagarqabayaashii. Dabcan waxaa cadaatay in Dawladdu, wadajir ahaan, aanay horay uuga tabaabushaysan in tanoo kale ay dhici karto.

3)      Waxaa soo noqnoqonaysa ciidamo gadood suubsha oo mararka qaarkood la wareega laamaha bangiyada, taaso loo nisbaynayo mushahaarkoodi oo aanay mudo helin. Miyaaynay iyagu lahayn mudnaanta koobaad, oo haddii waxa la hayaa yihiin wax yar iyaga la siiyo, intaan qof kale shilin la siin, madaxweynaha ha ku ahaatee? Sideese looga dhaadhicin karaa lacag lama hayo, marka jaraaid kala duwan lagu soo qorayo lacagaha faraha badan ee Dawladda ka soo gala ila kala duwan.

4)      Puntland waa 18 jir. Weli waxay wax ku qaybsataa hab deegaan, oo an waxba dhaamin kan qabaliga ah ee 4.5. Madaxweyne Gaas wax yaabihii uu ku dhaleecaynjiray Madaxwynihii hore, Faroole, ayay ka mid ahayd inuusan Puntland gaarsiin nidaamka hal qof iyo hal cod. Mudane Gaas markuu xilka qabsaday wuxuu durbadiiba bilaabay in la dhiso Guddiga Doorashada, waxaa loo sameeyay shuruucdii u ku shaqaynlahaa, waxaa laga ansixiyay Golaha Wakiilada. Dhamaadkii 2014 Gudigaas wax walba waa u dhamaayeen oo an ka ahyn dhaqaalihii ay ku shaqayn lahayeen.2015 oo dhan far looma dhaqaajin. Meeshaasuu ku basbeelay guddigaasi. Siddii oo kale ayaa hadda socota. Bilowgii sanadkan ayaa mar kale dib loo yagleelay. Laga ansixiyay Golaha Shacabka. Dhaqaale la’aan ayey la gudan la’yihiin waajibaadkoodii.

Ummada reer Puntland waxay isweydiinaysaa war aragnay siday Golaha Fulintu wax u maaraynayso, kumana qanacsanin, xaggee ka baxay Golihii Wakiilada oo loogu tala galay inay Golaha Fulinta dheeli tiraan oo ay la xisaabtamaan. Dad Badan ayaa qabay in Golahan Shacabku noqon doono mid aad iyo aad u fir fircoon, maadaama doorashadii ugu danbeysey ee Madaxweynaha hal cod lagu kala badiyay. Dabcan waa laga warqabaa inaan Golahaan la laalin, balse ay dhici karto inay badidood ku milmeen Golaha Fulinta, ama ay badidood noqdeen kuwo mushahaarkooda qaata, oo danahooda kale iska raacda. Oogow labadaan mawqif waxba isma dhaamaan. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ood jiidis iyo qaadis waysku xero gayn.

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin

 231-4a5

Abdihakim Hassan Hersi

ahhersi@outlook.com

About The Author