Dhagayso: Puntland oo ku dhawaaqday in ay dhisayso Booliska sida gaarkaa u tababaran ee Wareega.

Dowladda Puntland oo muddoyinkii Dambe aad ugu hawlanayd, in la adkeeyo amaanka iyada oo go’aamo kala gadisan oo badan laga soosaaray sidii amaanka wax looga badali lahaa.

Wasaaradda amaanka uu xooga saaraysa sidii ay gacan bir ah ugu dhigi lahayd amaanka, Wasaaradda ayaa waxa ay maanta soo bandhigtay Qorshe cusub oo lagu dhisayo Ciidan Gaar ah oo Boolis ah, Kaas oo ka hortagi doona falalka kala gadisan ee amaanka wax u dhimaya.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda amaanka dowladda Puntlad Cabdicasiis Maxamed Aadan, ayaa mar uu saxaafadda lahadlayey waxaa uu sheegay, in ay wadaan qorshayaal badan oo amaanka lagu dhisayo.
Dhagayso Codkii Wasiirka

About The Author