Dhagayso: “Gaalkacyo waxay u qalantaa in ay noqoto magaalo madaxda Soomaaliya”

Gudoomiyaha dagmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Axmed Tumay, ayaa waxaa uu maanta ka hadlay hor maro waaweyn oo ka socda magaaladda Gaalkacyo, gudoomiyaha ayaa sheegay in magaaladda Gaalkacyo Uqalanto magaalo madaxda Soomalaiya.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay dagmada Gaalkacyo ka socodaan tilaabooyin aad u wanaagsan, kuwaas oo isugu jira kuwo soo kabasho, kuwo caafimaad iyo kaabayaal dhaqaale.

img_2203

Gudoomiyaha ayaaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay kala wareejinta Xoolaha iyo badeecada, iyo saamaynta ay ku yeesheen magaaladda Gaalkacyo, isaga oo sheegay in dagmada laga dareemay kala wareejintaas mudadii uu socday, amaanka ayuu ku tilmaamay mid kalsooni badan dadka galisay, sidoo kale waxaa uu sheegay in ganacsiga laga dareemay.

“Markii loo eego hormarka ay samaynayo Gaalkacyo, dadka dagan magaaladda iyo meesha ay ku taalba, waxaa ay kuu cadaynaysaa in Gaalkacyo ku haboontahay in ay noqoto, magaalo madaxda Soomaaliya, waana ay noqonaysaa insha’allah” Ayuu yiri Gudoomiye Tumay.

Dhagayso Codka Gudoomiyaha.

About The Author