Beesha Habargidir ”Shirkii Garowe waa Khiyaano Qaran”

Imaamka Beelaha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif Rooble, ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan DFSiyo dowlada Puntland ay ku kala saxiixdeen Magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kaasi oo qodob kamid ah qodobadii lagu heshiiyay ay dood badan ka keeneen dad lahaa damac bililiqo.

Imaamka Beelaha Habargidir, ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan sax aheyn, maadaama meesha ay ka muuqato qaladaad weyn oo ku aadan sida heshiiska uu u dhacay iyo in Gobolka Mudug la kala qaybiyo sida uu yiri Imaamka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sameeyay waa arin qiyaano ah aniga ma garanaayo waxa uu uga dan leeyahay qof umadda matalaayana heshiis noocaasi ah ma saxiixi karo”Ayuu yiri Imaamka Beelaha Habargidir oo la hadlay Idaacada Risaala.

Waxa uu ka hadlay qodobka sheegaya in maamulka Gobolada dhexe ee dalka loo dhisaayo Gobolka Galgaduud iyo qayb kamid ah Gobolka Mudug, wuxuuna arintaas Imaamka Beelaha Habargidir ku tilmaamay mid qiyaano qaran ah, maadaama Gobolka Mudug inta badan dadka dega ay yihiin dadka Gobolka Galgaduud kasoo jeeda.

Imaamka Beelaha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif Rooble, ayaa tilmaamay in heshiiskii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya 30-kii July ee sanadkaan uu meesha yaalo, sidaasi awgeedna heshiiska Garoowe lagu soo saxiixay uusan aheyn mid sax ah.

“Wax heshiis ah oo dhacay ma jiraan heshiiskaasi Madaxtooyada ayuu ka dhacay Saxaafada dhan wey joogtay labadaasi Gobol maamul Goboleed ayaa loo dhisaayo cid looga heybeesanaayo ma jirto”Ayuu hadalkiisa raaciyay Imaamka.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Imaam C/laahi Khaliif Rooble, wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu abaabulaayo dagaal qabiil, oo la isaga horkeenaayo dadka Gobolka Mudug, dega wuxuuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya laga rabo inay arkaan dhibaatada uu geystay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“Dagaal qabiil iyo dhibaato ayuu abaabulayaa, qabiiladii Soomaaliya ayuu iska horkeenayaa, marka waxaan leeyahay arintaan dowladda Federaalka Soomaaliya ha aragto Cabdi Wali waxa uu

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland ku  saxiixay heshiis dhigaayo in maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya uu ka koobnaado Gobol iyo bar halka Mudug qeybteeda waqooyi ay Puntland ka talinayso.

Puntlandes.com

About The Author