Urur siyaasadeedka UDAD oo dhaliilay Hogaanka Gaas ee Puntland iyo Heshiiskii Dhexmaray DFS iyo Puntland

Garowe(Pes) Urur siyaasadeedka UDAD isagoo guud ahaan dhaliilsan siyaasadaha maamulka madaxweyne C/weli oo muddadii uu jiray horseeday hoos u dhac dhaqaale, bixin la’aan mushaarka shaqaalaha, dib u soo celinta fadlanta, daryeel la’aanta ciidammada, ka gaabinta difaaca xuduudaha Puntland, hoos u dhaca ilaalinta hantida dadweynaha iyo habacsanaan ku timid guud ahaan maamulka dawladda, wuxuu soo saaray warsaxaafadeedka hoos ku qoran

  1. Hor iyo horraan waxaa ururku mar walba soo dhowaynaynaa heshiisyada dhexmara labada dawladood ee u adeegaya guud ahaan danaha ummadda Soomaaliyeed iyo ,gaar ahaan tan dadka reer Puntland
  2. Waxaa qodobka 1.3(b) ee heshiiska la kala saxiixday uu sharci ahaan xadgudub ku yahay dastuurka Puntland ee ku meel gaarka oo ay ergooyinku ansixiyeen 2012, kaasoo qodobkiisa 7, faqradda 1aad uu sheegayo in gobolka Mudug oo dhan uu ka mid yahay dawladda Puntland.
  3. Sidaa darteed waxaan cambaaraynaa ku tumashada qodobkaas dastuuriga, waxaanuna ku baaqaynaa in si dhakhso ah dib looga laabto arrinkaas, ama hannaan dastuuri loo maro wax ka beddelkiisa intaan heshiis la saxiixin iyadoo loo marayo hay’adda dastuuriga ah ee ay khusayso .
  4. Wuxuu ururku ka soo horjeedaa in xarriiq qabiil lagu kala qoqobo shacabka Sooomaaliyeed marka la dhisayo dawladaha xubinta ka ah federaalka. Sidaa darteed waxaan ugu baaqanaa dawladda Puntland inay walaaleheena kale ee gobolka Mudug nala dega ay ugu yeeraan, kuna casumaan inay ku soo biiraan dawlada Puntland si rabitaankooda waafaqsan.
  5. Waxaa dawladda Puntland ku guuldaraysatay inay hesho oggolaanshaha dawaladda federaalku si ay goobjoog uga noqoto wada xaajoodka u dhexeeya dawladda federaalka iyo “Somaaliland”, iyadoo arrintaas uu si cad u qeexayo qodobka 53 ee dastuurka federaalka faqraddiisa 2aad: Marka ay wada xaajoodyadu si gaar ah u saamaynayaan danaha khuseeya dawladda xubinta ka federaalka, ergada wada xaajoodka gelaysa ee xukuumadda federaalka waxaa kaabaya wakiillo ka socda dawladahaas xubinta ka ah.
  6. Waxaa kale oo ay xukuumada Puntland ku guuldarraysatay inay mar labaad hirgeliso hannaanka dimoqraadiyanta Puntland oo sannadkii hore hakadka galay, iyadoo si cad u jebisey ballantii muddadii 6 da bilood oo lagu soo celinayey hannaankaas.
  7. Ugu dambayn waxay ilaa iyo hadda xukuumada Puntland ka warwareegaysaa inay caddayso mowqifkeeda ku aadan doorashooyinka guud oo loo qorsheeyey inay ka dhacaan Soomaaliya sannadka 2016. Haddaba waxaan beesha caalamku ugu baaqaynaa inay u hiiliyaan rabitaanka shacabka Soomaliyeed iyo kuwa Puntland ay ku doonayaan hirgelinta hannaan dimoqraadiyadeed oo xalaal oo u suurto gelin kara inay si xor ah doortaan hoggaankooda siyaasadeed sannadka 2016, kuna qasbaan hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ka dhega adayga arrimahaas inay xaqdhowraan rabitaanka shacabkooda

Siciid Faarax Maxamed
Guddoomiyaha Ururka UDAD

Puntlandes.com

 

About The Author