Daawo Video-Dhagayso: Heshiiska ballaarinta dekada Bosaso, Gaas “This is great day for the people of Puntland”

6 April 2017 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay  6 April 2017 la saxiitay heshiis taariikhiya shirkada DP WORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ku saabsan balaarinta, horumarinta iyo casriyeynta dekada magaalada Boosaaso oo laga dhigi doono dekad casri ah oo la jaanqaada dekadaha waaweyn ee adduunka.

234-7e5a

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid aad ugu wayn shacabka reer Puntland isagoo ku yiri khudbadiisii qaybta af Ingiiiska ahayd “This is great day for the people of Puntland”

Dhagayso madaxweyne Dr Gaas

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli oo sharaxaad dheer ka bixinaya siday Puntland ugu baahan tahay in kaabayaasheeda dhaqaalaha wax laga qabto iyo inay xukuumada uu madaxweynaha u yahay ay ku hawlan tahay arintaas ayaa yiri ”Dabcan waxaan rajaynayaa Mashruucani wuxuu qayb ka noqon doonaa Mashaariicda kale ee aanu wadno, ee ah horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, waxaan rabaa dadka in aan u sheego runtii dalkan AUN Maxamed Siyaad Barre runtii waan u duceeyaa mar walba, waxa uu nooga tagay waxay ahayd Dekedaa yarta ah iyo Jidka waxa aanu joognaa 18 sano, Puntland 19 sano ayey maraysaa, Dekeddiina waa sii aasmaysaa jidkiina waa sii baaba’ayaa, marka dabcan waxaa la rabaa dadku inay fekeraan… xaalada kugu xeeran inaad wax ka bedesho weeye, in aan dalkeena wax ka bedelno, Puntland na wajiga ay leedahay waji ka duwan ay yeelato..”
Daawo shirkii jaraa’id ee munaasabadda saxiixa heshiiska

Puntlandes.com

About The Author