Daawo Muuqaal: Fadlan Caawi Hooyadan dhibaataysan oo Caawimaada u baahan

Muuqaalkan hoose waxaad ku arkaysaa hooyo tabar dhigtay, Naftuna hayso, Islamarkaana dhabarka ku sidata wiil 7 sano jir ah oo xanuunsan, Sidoo kalena ay u joogaan 4 kale oo caruur ah oo agoon ah, waxay ka mid tahay Faa,iso Cabdulaahi Shiikh ilaa 450 qoys oo xoolihii ka dhamaadeen kuna soo xerooday Kaam ama xero ku taala duleedka magaalada Bur_Saalax ee Gobolka Mudug.

234-8

Hooyadaan Soomaaliyeed oo ka mid ah qoysaska halkaas ku dhibaateysan ayaa ka codsatay qeybaha bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka siiyaan nolosha qoyskeeda iyo sidii xaalad caafimaad ay ugu heli lahayd wiilkeeda xanuunsan.

Wariye Abshir Dhiirane oo dhawaan ku booqday qoysaska ku ceyroobay abaarta ee lasoo dejiyay Kaam ku yaala duleedka Buursaalax ayaa si gaar ah fariin maqal iyo muuqaal ah uga soo duubay Faa,iiso.

Haddaba daawo codsiga hooyadaan Soomaaliyeed.


Puntlandes.com

About The Author