dhiiga_cusub

Ka hor doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 2012 magaca Dammu Jadiid (Dhiigga cusub) waxa uu ahaa mid ku kooban dad yar iyo qaar kamid ah ururada islaamiga ah, maalmo kadib markii la doortey Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa si weyn u soo baxay magaca Dammu Jadiid, sidoo kale waxaa qaar kamid ah websiteyadu ay daabaceen fariimo ay is dhaafsanayeen ururkan kaadiriintiisu kaas oo iska lahaa Group Mail Yahoo.

Waa maxay Dammu Jadiid?

Inta laga ogyahay taariikhda Dammu Jadiid waa  garab ka go’ay ururka al-Islaax ee Ikhwaanul Muslimiinka Geeska Afrika ay ku mideysnaayeen, Dammul Jadiid oo af Soomaali ahaan noqoneya DHIIGGA CUSUB, waxa ka muuqda magacooda in ay ku qanci waayeen qunyar socodnimadii al-Islaax isla markaana loo baahdey dhiig cusub oo wax dhaqaajiya, dadka ka warqaba taariikhda kooban ee Dammu Jadiid ayaa sheega in ay aaminsanaayeen in gacan wax looga qabto waxay ku tilmaameen duulaanka Itoobiya ee sanadkii 2006, waxaana la sheegaa in ay qayb ka ahaayeen kacdoonkii loogu magacdaray Muqaawama 2007 -2009 ee ay hoggaaminayeen Maxkamadihii Islaamiga iyo  al-Shabaabkii qarsoonaa, waana halka la sheego in uu ka bilowdey xiriirka qaar kamid ah Dammu Jadiid iyo al-Shabaab.

Dalalka horumarey iyo weliba qaar badan oo ka mid ah dalalka soo koroya haddii doorasho dhacayso si fudud ayaa loo sadaalin karaa cidda doorashadaas ku guuleysan karta, inkatsa oo siyaasadda Soomaaliya sadaal ka bixinteedu adkeyd, ayaa haddana magaca Xasan Shiikh Maxamuud ahaa mid aan buugaba ku jirin, sidoo kale dalalka soo koroya iyo kuwa dib dhacay waxaa adag in Madaxweyne xilka  haya markaas oo tartan galey laga adkaado, weliba uu tartanka uga adkaado qof aan horey wax xil ah oo siyaasadeed u soo qaban, muuqiisa iyo magiciisuba yihiin kuwo cusub.

President-Hassan-former-president

Haddaba waxaa cad in Xasan Shiikh Maxamuud oo aan dedaal hore u soo marin xilka uu qabtey uu yahay mid gacmo kale ka soo shaqeeyeen. Sidoo kale waxaan dhihi karnaa Dammu Jadiid ma ahan sidii ay ku asaasmeen, kuwo badan oo asaaskii Dammu Jadiid  iyo PDP wax ka ogaa ayaa banaanka la dhigey, waxaana gadaal tareenka Dammu Jadiid ka fuuley siyaasiyiin kale oo badan kuwaas oo hadda xubno ka ah Xukuumadda ama xilal sare ka haya Ciidamada iyo Laamaha Amniga.

Asaaskii Xisbiga PDP

Ka hor dagaalkii lagu qaadey hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho sanadkii 2006, siyaasadda Koonfurta Soomaaliya waxay ahayd mid u dabran hoggaamiye kooxeedyo awood leh oo midkasta xiriir gooni ah la leeyahay dalalka deriska la ah Soomaaliya ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya tan iyo bur-burkii dowladdii hore 1991.

Xisbiga Nabadda iyo Caddaaladda ee Madaxweyne Xasan Shiikh ku soo baxay, waxaa la asaasey dhamaadkii 2010 ama bilowgii 2011,  waxaa xisbigan si weyn uga dhex-muuqdey ragga ugu waaweyn ururka Dammul Jadiid kuwaas oo qaar badan ay hadda Wasiiro yihiin halka qaar kalena ay weli yihiin La taliyaal, Agaasimayaal iyo Safiiro.

Taageeradii dalka Qatar

Safiirka Soomaaliya Qatar u fadhiya tan iyo sanadkii 2011

Dalka Qatar oo muddooyinkii danbe faraha kula jirey dalalka Carabta ee xasaraduhu ka taagan yihiin ayaa xiriir dhaw la sameeyey madaxdii Midowgii Maxkamadaha sanadkii 2006, waxaana la sheegaa in uu taageero dhaqaale ku bixiyey dagaalkii Muqaawamada, Kadib doorashadii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed 2009 waxa uu safiirka Qatar u magacaabey Cumar Shiikh Cali Idiris  sanadkii 2011 xiligaas oo ku beegneyd soo shaacbixii Xisbiga nabadda & Caddaaladda.

Cumar Idirs waxa uu ka mid ahaa madaxdii Midowgii Maxkamadaha, weliba waxa uu qaabilsanaa arrimaha dibadda, Dammu Jadiid waxaa u suurta gashey in ay ka faa’ideysteen fursaddii lagu magacaabey Cumar Idiris, waxaana uu si weyn uga shaqeyey isku xirka Sirdoonka Qadar iyo Dammu Jadiid, waxaana isku xirkaas door weyn ka qaatey ururkii Kheyriga ahaa ee Faarax Shiikh Cabdulqaadir uu muddada madaxda ka ahaa kaas oo ka shaqeyn jirey arrimaha waxbarashada isla markaana loogu yeeri jirey [Muslim Afriiqiyah], sidoo kale waxaa door weyn ka qaatey nin weriye ahaan jirey oo telefishanka al-Jazeera muddo uga soo shaqeeyey Geeska Afrika, waxaana la aaminsan yahay in dhaqaalaha ugu badan ee doorashadii 2012 lagu galay ay ka timid dalka Qatar.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa indhahoodu qabteen Xisbi la yiraahdo PDP, laakiin marna uma muuqan waxa ururkaan ka danbeeya asaaskiisi iyo Dammu Jadiid waxay yihiin, sidoo kale shacabku waxay aaminsanyeen in shakhsi la doortey, waxaana caddaatey in urur la doortey, kaas oo leh ujeedooyin fog oo hindisheeda ay iska leeyihiin dad kooban.

Ololihii Baarlamaanka 2012

xildhibaano_BFS_2012

Tallaabooyinka Dammu Jadiid ay ciyaareen ayaa ahaa in ay saameyn ku yeeshaan Baarlamaanka ay soo xulayaan oday dhaqameedyadu, waxaana jirey musharixiin badan oo qorshe ku wada socdey kuwaas oo dib ugu noqdey Beelahoodi kana soo heley in ay noqdaan Xildhibaan, waxaana in badan oo ka mid ahaa ku garab taagnaa ururka Dammul Jadiid oo musharax u watey Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanku ii sheegeen sanadkii 2012 in ugu yaraan 50 Xildhibaan ay Baarlamaanka ku soo galeen abaabulkii Dammul Jadiid & PDP, kuwaas oo qaarkood dhaqaale ay siiyeen oday dhaqamadeedyada beelaha ay ka soo jeedaan.

Istraatiijiyadda Dammul Jadiid ayaa ahayd in musharaxa ay wataan noqodo kaalinta kowaad ama labaad wareega kowaad, sida lagu yaqaano doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa ee Soomaaliya waxaa markasta guulesyan jirey labada musharax ee u cod badan wareega hore midkood, sidoo kale qorshaha ay ciyaarayeen ayaa ahaa in hay’adda sharci dejinta ay awood ku yeeshaan.

Raysalwasaari Cabdi Farax Shirdoon (Saacid)

Kadib guushii doorashada Madaxweynaha ee Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa bilowday baadi goob Raysalwasaare arrintan maaheyn mid fudud waxayna wakhti dheer ku qaadatay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud inuu soo helo ciduu u magacaabi lahaa xilka Raysalwasaaraha.

Arrintan waxaa dib u dhaca ugu weyn ku keenay iyadoo Dammul Jadiid ay shuruudo adag ku xirayeen dadkii markaasi u ordayey xilka Raysalwasaaraha.

Qodobada Dammul Jadiid ku xirayeen ayaa waxaa ugu waaweynaa;

  • Raysalwasaaruhu inuu kasoo jeedo beesha Daarood.
  • Inuu yahay Qof wax soo bartay.
  • Inuu Aqbalo in dhismaha Golaha Wasiirada ay marka hore uu soo dajiyo xafiiska Madaxweynaha.
  • Inuusan xubin kasoo ahayn siyaasiyiintii horey dalka looga yiqiinay.
  • Inuusan aaminsaneyn kana mid ahayn taageerayaasha Nidaamka Federaalka.
  • Inuusan xiriir dhow lalehyn maamulada dalka ka jira sida; Puntland & Somaliland.
  • Inuusan awood kale ku lahayn gobalada kale ee dalka Soomaaliya.

Walow ay inta badan siyaasiyiintii doonayey xilka Raysalwasaaraha ay aqbalayeen inta badan qodobada balse waxaa adkeyd in kooxda Dammul Jadiid isku raacaan cidii Raysalwasaare loo magacaabi lahaa iyadoo xubno ururkaasi kamid ah ay wateen shaqsiyaad kala duwan.

Raysalwasaare Saacid ayaa kasoo baxay qodobada kor ku xusan isla markaana dhaqan geliyey intuu xilka hayey, isagoo aqbalay in inta badan xukuumada uu soo magacaabo Madaxweyne Xassan, Waxaana la wada xasuustaa daah-furkii Xukuumaddii Saacid waxaa saxaafadda u akhriyey kamaal Guutaale, waxaana ay ahayd sumadda ay wadatey tii xafiiska Madaxweynaha.

Saacid_xukuumad_Federaal2013

Balse Raysalwasaare Saacid ayaa xilka laga xayuubiyey wakhti ay dowlada soo food-saartay fadeexadii Musuq maasuqa ee ay shaacisay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yusur Abraar.

Dammul Jadiid ayaa xiligaasi istusay hadii Raysalwasaare cusub iyo xukuumad lasoo dhiso in Beesha Caalamka ay sii wadi doonto taageerideeda, Saacid arrintan wuu kasoo horjeeday balse awood badan kuma dhex lahayn Golihiisa Wasiirada maadaama ay daacad u ahaayeen Madaxweynaha, ayna ahayeen kuwii Mooshinka ka dhanka ah abaabulaayey, Saacid waxa uu ka tegey khudbad dheer oo dar-daaran ah taas oo wax badan oo kamid ah hadda soo baxeen.

Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh

Raysalwasaarihii 2aad ee uu soo magacaabo Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa arrimaha u muhiimsan ee loo keenay ay ahayd in uu ahaa nin wax ka yaqaan Dhaqaalaha taasi oo lagu doonayey in Caalamka loo tuso qof aqoon uleh shuruucda oo maareyn xukuumada in lasoo magacaabey, kadib fadeexadii Bangiga Dhexe.

Hase yeeshee Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa wax badan ka duwanaa Saacid, waxaana lagu tilmaamaa nin ku ad adag go’aamadiisa. Isku dhicii ugu horeeyey wuxuu ka yimid soo dhisidii Golaha Wasiirada.

Magacaabis_Cabdiweli-Shiikh-Axmed

Raysalwasaare Cabdiweli ayaa ku adkeystay in Golaha Wasiirada uu soo dhisayo loo madax baneeyo, arrintaasna waxaa kasoo horjeestay Madaxweynaha iyo Dammul Jadiid.

Kadib wakhti dheer waxaa lagu dhawaaqay Xukuumada labaad oo ay ku jiraan wasiiro badan oo uu si toos ah usoo magacaabay Madaxweynaha, kuwaas oo ahaa kuwii wax ka soo ridey raysalwasaarihii hore ee Saacid.

Wasaaraddaha; Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada, Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga, Maaliyadda, Gaashaandhiga, Amniga, Dastuurka iyo Garsoorka ayaa kamid ahaa wasaaraddaha ay xooga saarayeen Dammul Jadiid.

Wasaaraddahan oo ah kuwa ugu awooda badan ee Xukuumada saameyn ku keeyalan kara Doorashooyinka 2016 ayaa loo magacaabay xubno kamid ah Dammu  Jadiid iyo waliba ragga sida weyn xiriirka ulleh Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

Arrintan waxay keentay in Golaha Wasiirada iyo Raysalwasaaraha kuwada shaqeyn waayaan siyaasad ay ku mideysan yihiin.

Amniga Muqdisho

Waxaa  jirtay khilaaf weyn oo soo dhexgalay Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku aadan sidii loo abaari lahaa amaanka Muqdisho oo ay sanadihii 2012, 2013 iyo 2014 ka dhaceen weeraro waaweyn oo ay geysteen kooxda Al Shabaab, waxaana kamid ahaa duulaankii lagu qaaday labo goor Villa Soomaaliya, Maxkamada Banaadir,  UNDP, Safaarada Turkiga, Baarlamaanka iyo goobo kale.

villa-somalia-Irrida-Qarax2014

Waxaa kale oo jiray shaki soo kala dhexgalay Madaxweyne iyo Raysalwasaaraha kadib weerarkii ugu danbeeyey ee Villa Soomaaliya lagu qaaday ee la damacsanaa in lagu dilo Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh oo codsaday baaritaan caalami ah kadib markii la ogaaday inay ka qeyb qaateen xubno ka shaqeeya isla Villa Soomaaliya, waxaana caddeeyey in codsigaas uu Raysalwasaaruhu jeediyey Nicholas Kay u qaabilsanaha Xogahayaha Qaramada Midoobey Arrimaha Soomaaliya.

Kadib weerarkii Baarlamaanka ee bishii May 2014, ayuu xilka iska casilay Wasiirka Amniga Cabdikariim Xusseen Guuleed oo kamid ahaa xubnihii Dammul Jadiid ee Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa doonayey in Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh uu xil kale u magacaabo Cabdikariim Guuleed, balse Raysalwasaaraha ayaa diiday, waxaa taasi usii dheer in xilka Wasiirka Amniga uu Raysalwasaaraha u magacaabay Khaliif Erig oo ay si weyn u diidanaayeen Dammul Jadiid in xilkaasi loo magacaabo.

Wasiirkii Amniga Cabdikariim Xussen Guleed waxaan weli su’aalo laga weydiin weeraradii ka dhacay Muqdisho gaar ahaan weerarkii lagu dilay Madaxii Sirdoonka Dowlada Qatar bishii May 2013, xili uu wafdiga Qatar saarnaa gaariga khaaska ah ee Cabdikariim ayey kooxda Al Shabaab weerar ismiidaamin ah oo horey loo qorsheeyey ku qaadeen kolonyadii gawaarida oo xiligaa marayey KM4 oo kamid ah isgoysyada Muqdisho ee sida weyn loo illaaliyo.

Qarax-Qatar-KM4

Dammul-Jadiid-Qatar

Qaraxaasi kadib waxaa sii xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyey Qatar iyo Dowladii ay maalgelisay ee Dammul Jadiid.

SISI-Hassan-1Arrintan waxay keentay in kooxda Dammul Jadiid ay xiriir hoose la yeeshaan Dowladaha Sucuudiga, Imaaraatiga iyo Waliba Xukuumada militariga Masar ee Cabdifatax Al Sisi oo ah dowlado si weyn uga soo horjeeday Qatar iyo waliba dhaq dhaqaaqa Ikhwaan Muslimiinka. Siyaasadan waxay muujineysa isbed bedalka ku dhisan damaca ee ururka Dammul Jadiid sameeyey.

Bishii September Golaha Wasiirada waxay xilka ka qaadeen  C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa Agaasimihii Nabadsugidda, arrintan oo sare usii qaaday xiisadii u dhaxeysay Dammul Jadiid iyo Raysalwasaaraha.

Xiisadihii Kismaayo & Baydhabo

Raysalwasaaraha Cabdiweli ayaa sidoo kale go’aan adag ka qaatay soo afjarida xiisadii ka taagenyd Kismaayo iyo dib u heshiisiintii Jubooyinka, xili Dammul Jadiid ay taageero u fidinayeen Col.Bare Hiiraale oo wakhtigaas ku sugnaa Goobweyn.

Arrintan ayey si weyn isugu khilaafeen Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha.

Waxay labada hogaamiye sidoo kale isaga horyimadeen qaab dhismeeda maamulka Koonfur  Galbeed oo uu Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed dardar geliyey dhismaha maamulkaasi wixii ka danbeeyey heshiiskii bishii June ay Muqdisho kuwada saxiixdeen dhinacyada isku hayey maamulkaasi.

Cabdiweli_baydhabo_Kismaayo2014

Bishii September ee sanadkan, xili xubno kamid ah Dammul Jadiid ay doonayeen in dib loo dhigo shirkii maamul u sameynta ayuu Raysalwasaaraha Booqasho ku tagay Baydhabo si dib loogu bilaabo dib uheshiinta iyo dhismaha maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana arrintan ku taageersanaa Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha iyo Dammul Jadiid ayaa doonayey in la dhiso maamulka Koonfur Galbeed sanadka 2015, si dib loogu dhigo hirgelinta maamulka Federaalka.

Heshiiskii Puntland

Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa sidoo kale go’aan ku qaatay in xal laga gaaro khilaafka Puntland iyo Federaalka oo si weyn isugu khilaafsanaa arrimo la xariira Dastuurka, heshiisyo horey loo wadagalay iyo waliba dhismaha maamulka gobalada Dhexe.

Cabdiweli-Shiikh-Heshiiskii-Garowe2014

Arrintan Dammul Jadiid si weyn bay uga soo horjeeday maadaama qorshahoodu ahaa in xiisada Maamulka Gobalada Dhexe ay keento in dib loo dhigo nidaamka Federaalka tan iyo sanadka 2016 illaa laga gaarayo doorashada Madaxweynaha oo uu markale dib isu soo sharixi doono Xassan Shiikh Maxamuud.

Wasaarada Dasturka iyo Garsoorka oo uu Wasiir ka ahaa Faarax Cabdulqaadir ayaa hakad gelisay hindisayaashii nidaamka Federaalka ee golaha Wasiirada laga doonayey in loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka.

Arrimahan iyo wadashaqeyn xumo horey u jirtay daraadeed ayuu Raysalwasaare Cabdiweli xil wareejin ugu sameeyey Faarax Cabdulqaadir oo loo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Dammul-Jadiid-Copenhagen2014

Go’aankan ayaa ah midkii si rasmi ah u soo shaac bixiyey khilaafka Dammul Jadiid iyo Raysalwasaaraha oo muddo ka badan 5 bilood aysan wadashaqeyn fiican ka dhaxeyn.

Madaxweynaha & Dammul Jadiid ayaa go’aan ku gaaray in Raysalwasaaraha xilka laga qaado maadaama loo arkay inuu caqabad ku noqday dhamaan qorshayaasha Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Dammul Jadiid.

Ridida Raysalwasaaraha oo dhaqaale badan ku baxayso ayaa la sheegay in la marinayo Baarlamaanka oo ay caqabado kasoo baxeen, sidoo kale Wasiirada Dammul Jadiid ee xukuumada ayaa ugu baaqay Raysalwasaaraha inuu iscasilo, arrintaasina waa diiday Raysalwasaaraha.

Xubnaha Dammul Jadiid ayaa olole ka bilaabay inay taageero uga helaan gobalada dalka in Raysalwasaaraha xilka laga qaado, iyagoo xiriiro ay la sameeyeen Maamulka Jubbaland una ballan qaadeen in Raysalwasaaraha lasoo magacaabi doono ay talo ku yeshaan.

Taageeridii Shariif Xassan

Dhinaca kale  Madaxweynaha iyo Dammul Jadiid ayaa si weyn usoo dhaweeyey Doorashadii Shariif Xassan ee maamulka Koonfur Galbeed iyagoo doonaya inay  taageero uga helaan maamulkaasi, isla markaana cadaadis ku saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari inuusan hor istaagin qorshaha Dammul Jadiid uu ka leeyahay Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaa hada u muuqda mid ku kala qeybsan arrintan waxaana soo baxay kacdoon Baarlamaanka dhexdiisa ah oo kasoo horjeeda Dammul Jadiid iyo waliba in dhaqaale loo adeegsado hirgelinta Dammul Jadiid ku inqilaabeyso Dhamaan hay’adaha Dowliga ah ee Federaalka Soomaaliya.

21kii November ayey dowlada Puntland ee kamid ah maamulada ku mideysan Federaalka Soomaaliya ka digtay cawaaqib xumada ka dhalankarta in inqilaabka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, waxaana qodobka 7aad ee Bayaanka kasoo baxay Puntland lagu yiri;

  • Dowlada Puntland marna ma aqbali donto in koox gaar ahi afduubto Siyaasadda iyo Dowladnimadda Soomaaliyeed si ay u gaaraan dano gaar ah oo aan u adeegayn dannaha ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa isagu Shirkii Jaraa’iid ee uu ku qabtay todobaadkii tagay Magaalada Muqdisho ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan wax wel-wel ah ka muujin khilaafka, isagoo ku tilmaamay in waxa la isku heysto ay tahay [Ciyaarta Siyaasada!]

“….Shalay maaha inaan isku mashquulino, ee waa in aan Beri ka fekerno, dalkaani waa ka dhamaatay rabitaankii ama cid ku fikeraysa in laga dhiso Dikatooriyad dooneysa in cid gaar ah ama koox gaar ah dhisanto, waxaan ka shaqeenaynaa inaan dadka Soomaaliyeed u sameyno QAWAANIINTA iyo SHURUUCDA  Ciyaartii siyaasada lagu ciyaari lahaa si aysan isugu dhex yaacin..”

Hadalkan ayaa ah mid muujinaya in Dammul Jadiid sinaba u dooneyn in looga wareejiyo Wasaaradda Dastuurka iyo Garsoorka ee laga qaaday Faarax Cabdulqaadir, isla markaana uga doorbideen inay ridaan dowlada oo dhan iyagoo aan tixgelin ah siin cawaaqib xumada ka dhalan karta khilaafkan siyaasadeed oo ay ka digayaan Beesha Caalamka ee dhaqaalaha siisa dowlada iyo waliba maamulada dalka ka jira.

Dammul Jadiid qorshaha ugu muhiimsan ee xiligan u dagaalamayaan ayaa ah qodobada soo socda;

  • Guusha Doorashada 2016 iyadoo loo marayo;
    A- Dib u dhigida Dastuurka & Aftida
    B- Dib u dhigida Nidaamka Federaalka
    C- Dib u dhigida ku dhawaaqida Xisbiyada Siyaasada, si aan fursad loogu siin xisbiyo kale inay isu sii diyaariyaan doorashada, halka Dammul Jadiid u diyaarsan yahay xisbigooda iyo dhaqaalihii ay ku geli lahaayeen doorashada.
  • In aan gacantooda ka bixin ama la wareegaan Awooda Dowlada Federaalka
    A- Xafiiska Madaxweynaha
    B- Xafiiska Raysalwasaaraha
    C- Guddoonka Baarlamaanka
    D- Guddoonka Garsoorka
    E- Sarakiisha Amniga; Gaashaandhigga iyo weliba Sirdoonka.
    F- Guddoomiyayaasha Gobalada dalka.
  • Mashaariicda Dib u dhiska dalka in loo gacan geliyo xubno ka tirsan Dammul Jadiid iyo shirkado ay leeyihiin shaqsiyaad kamid ah ururkan ama eheladooda ah.
  • La wareegida Xarumaha Muqdisho ee dowlada, saraakiisha Dammul Jadiid oo qaarkood hada madax ka ah xarumaha muhiimka ah ee dowlada ayaa doonaya inay awoodooda ku fidiyaan dhamaan hay adaha dowlada iyo xarumaha dhaqaalaha kasoo galo xukuumada ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Biya dhaca warka

Maalmaha soo socda waa kuwii lagu kala bixi lahaa, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dammu Jadiid waxay dhegaha ka furysteen baaq kasta heer caalami iyo mid Soomaaliyeedba, waxaana ay mar kasta ku celiyeen hay’adaheena Dastuuriga ah haloo daayo in ay xaliyaan khilaafka.

Inta la ogyahay Mooshinka yaala Baarlamaanka ee loo ballan sanyahay waa mid cirka looga keeney, isla markaana loo sameeyey ciddii loo dhiibi lahaa, dhaqaale badan ayaa ku baxay, waxaana ka horyimid kacdoon baarlamaan oo kax taagan, lama sadaalin karo natiijada go’aanka, Waxaase la hubaa in aanu labada dhinacba ka wada qoslin doonin.

Haddii sida Madaxweynuhu doonaayo ay noqon weydo, maxay tahay waddada u furan? Ma is casilayaa? In badan  ayaa aaminsan in  Xasan Shiikh ay ku adagtahay in uu is casilo, marka la eego isaga oo aan ahayn shakhsi keliya ee ururo ay ku xiran yihiin, la mid maaha Cabdullaahi Yusuf Axmed AUN oo ku soo daaley dalandoolka siyaasadda.

Ugu danbeyntii waxaa la siweydiinayaa Inqilaabka ay talada dalka kula wareegeen Dammu Jadiid ma waxa uu ahaa “Inqilaab aan Dhiig ku daadan?”  sida ay dhexdooda isu sheegaan oo ah in Sanduukh lagu kala baxay.

Mise Waa Inqilaab dhiig ku daatey marka la eego dad badan oo arrimo siyaasadeed loo khaarijiyey iyo weeraro badan oo laga dhex fuliyey hay’adihii dowladliga ahaa, safaarado iyo kuwo caalami ah, iyada oo la adeegsanayo cadow kale.

Raysalwasaare Cabdiweli kadib muxuu Ururka Dammu Jadiid ka gadi doonaa bulshada Soomaaliyeed ?

Xigasho: horseedmedia.net 

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author