Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xariga ka jaray Kulliyadaha Sayniska Gaar ahaan Waaxda Barashada Cilmiga Deegaanka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe kaga qeyb galay xaflad balaaran oo lagu daah furayey xarun dhismeed oo loogu talagalay Kulliyadaha Sayniska Gaar ahaan Waaxda Barashada Cilmiga Deegaanka ,Waaxda Barashada Caafimaadka iyo sidookale Maktabada Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland ,maamulka ,macalimiinta iyo ardayda jaamacada bariga afrika gaar ahaan ardayda baranaysa Kuliyadahaas waxana laga kala keenay guud ahaan Gobolada Puntland.

Ardayda 30-ka ah ee Baranaysa Kulliyada Deegaanka ayaa waxa ay heleen waxbarasho lacag la,aan ah islamar ahaantaana laga kaabi doono nolosha sida uu sheegay Wasiirka Deegaanka,Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland.

Dhismaha xaruntaan oo ka koobaan qeyb hoose iyo mid sare ayaa waxaa ku baxay dhaqaale dhan laba boqol iyo soddon kun oo doolar (230,000$) dhaqaalahaas qeybta hoose oo ay ku baxday lacag dhan boqol iyo labaatan kun waxaa baxiyey oo keenay masuulna ka ahaa Hay’adda Manhal .

Qeybta sare oo maktabada loogu talagalay iyo Hoolkeeda waxaa lacagta ku baxday sababteeda lahaa oo keenay Shiikh Maxamed Godane Xoosh oo kamid ah culimada waaweyn dagana Magaalada Riyaad dad muslimiin ah ayuuna dhaqaalahaasi ka soo ururiyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha ay ka dhacaysay munaasibadu ayaa uga mahadceliyey cid walba oo ka qeyb qaadatay dhismaha xaruntaas cusub isagoona sheegay in wax lagu farxo ay tahay maalina maalinta ka dambeysay in dhanka waxbarashada gudaha Puntland guul laga gaarayo.

‘’Intii dhaqaalaha ku bixisay iyo  intii u dadaashay ee meesha laga xusay Hay’do ha noqdaan amaba shaqsiyaad ha noqdaan sida Shiikh Maxamed Godane Xoosh iyana aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Barnaamijka maanta halkaan aan ku daahfurayno oo aan u arko in ay yihiin labo barnaamij oo aad u wanaagsan waxbadana ku kordhinaya isbadalka aanu ka rabno deegaankeena Puntland iyo isbadalka aanu ka rabno Caafimaadkeena ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gudoonsiiyey laba Buug oo mid kamid ah uu qoray Macalinkii baray maadada Dhaqaalaha Madaxweyne Gaas.

Jaamacada Bariga Afrika oo la asaasay sanadkii 1999-kii ayaa waxa ay soo saartay xubno firfircoon oo reer Puntland ah kuwaasi oo bulshada dhexdeeda ka noqday hoggaamiyaal dhinaca Diinta ,Siyaasadda ,Ganacsiga iyo weliba dhaqankaba,waxana ay jaamacadu kaalin xoogleh ka gaysatay kobcinta iyo tayeynta waxbarashada aasaasiga ah ee Puntland.

-DHAMMAAD-
947

948

949

950

951

952

Puntlandes.com

About The Author