MAQAAL: HOGGAANKA SOOMAALIDA: SIDAAD ISU DOORATAAN AYAAD ISU DOORISAAN

35

Waxaa la yiraahdaa hoggaamintu waa waxa loogu hadal haynta badan yahay hadana loogu fahanka daran yahay, maxaa yeelay waxay si mug leh xiriir ula leedahay masiirka aadanaha.
Siday doontaba ha ahaatee mid ka mida kuwa ugu wanaagsan ee lagu qeexo hoggaaminta ayaa ah inay tahay saamayn ama influence uu hoggaamiyuhu ku yeesho la hoggaamiyaha.
Hoggaamiyuhu waa cid walba oo awood u leh inay kaa raarido ama kaa dhaadhiciso hadaf mucayana oo la hiigsanayo, deedna kugu hoggaamisa hilinka ugu wanaagsan ee looga mira dhalin karo hadaf kaas. Hadaynu si kale u dhignana waa cid walba oo ku saamaysa kaana dhaadhicisa afkaartooda deedna kugu jihaysa.
Haddaba si ay saamayntu maxsuul wanaagsan u dhasho waa in hoggaamiyuhu ahaadaa aftahan balaaqo leh gudbina kara fariinta uu xambaarsan yahay. Waana inuu yahay burjiile wax soo jiidan kara iyo bulshay dad la dhaqan leh oo isku wadi kara qaybaha kala duwan ee ay ka koobnaan doonto bulshada uu hoggaamin doono.
Hoggaamiye walba oo wax saameeyaayi wuxuu kasbadaa la hoggaamiyayaal raciyad u noqda, la hoggaamiyayaashu inta badan ma eegaan darajada hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyuhu mana tixgaliyaan aqoontiisa iyo nasabka uu ka soo jeedo toona ee waxay mar walba isha ku hayaan afcaashiisa, akhlaaqdiisa, amaanadiisa, kartidiisa iyo go’aan qaadashadiisa.
Hoggaamiyaha looma shardiyo inuu ahaado mid leh aqoon sare, muhiimna maahan inuu wato shahaado sare laakiin taas badalkeeda waxaa lagama maarmaana inuu noqdo waayo arag leh garaad sare.
John Maxwell oo ah mid ka mida ruug cadaayada ugu waawayn ee cilmigaan looga dambeeyo waxa uu yiraahdaa waxaa jira afar khuraafo oo dadku ku khaldamaan marka laga hadlayo hoggaaminta waxaana ugu horeeya aqoonta, wuxuu yiri aqoonyahan waliba hoggaamiye ma noqdo. Darajo iyo awood kasta oo aad ku hesho xil laguu dhiibay ama laguu doortayna hoggaamiye kuma noqotid ee waa albaabka ugu horeeya ee uu imtixaanku kaaaga bilowdo.
SOOMAALIDII HORE IYO HAGGAAMINTA
Soomaalidii hore si wanaagsan ayay u fahan sanaayeen nuxurka ay hoggaamintu u lahayd nolashooda si fiican ayayna u garowsanaayeen inaysan hoggaamini saamayn marna ka soo harin.
Sidaas daraadeed waxay dooran jireen hoggaamiyayaal ku haboon daruuftooda.
Hogaamiye dhaqameed
In kasta oo hoggaamiye dhaqameedku ahaa madaxa ugu sareeya ee ay beelwayntu lahayd uuna ahaa marjaca ugu dambeeya ee loo noqdo iyo guddoon ridaha beesha haddana mid walba oo kamida waxaa lagu dooran jirey sifo isaga u gooniya oo uu wax ku saameeyo, tusaale ahaan Garaad waxaa lagu dooran jirey xikmad iyo abwaanimo uu wax ku kala dareeriyo kolka xaajadu adkaato. Islaan, Iimaan, Beeldaaje iyo malaaqna waxaa lagu dooran jirey karaamo iyo duco la rajeynayey inay reeraha ugu kaalmayn doonaan. Boqor oo ah maro dhexda lagu xiran jirey astaana u ahayd cid haysata mood magaalo iyo maal miyi labadaba xilli ayba yarayd cid dhar qaadan jirtay, ayay u badan tahay in lagu dooran jirey hanti ama xoolo uu wax ku maareeyo. Ugaas oo sida ka muuqata dhismaha erayga ay ku jirto magaca gaas oo ah cuttub ciidana ayaa waxaa laga yaaba in lagu dooran jirey khibradda iyo waaya aragnimadiisa dagaal. Magacyadani waxay si waafiya inoogu sheegayaan in soomaalidii hore ay aad ugu xeel dheerayd qaab xulashada hoggaanka.
Indheer-Garad
Sidoo kalena waxaa jirey hoggaamiyayaal indheer-garada oo iyaguna talada wax ku lahaa waxa kaliya ee ay martabadaas ku gaareena ay ahay sida fudud ee ay bulshada u saamayn jireen waxayna ahaayeen gabyaagii iyo suugaanleydii soomaaliyeed oo mid waliba oo ka midihi beeshiisa afhayeenka u ahaa. Waxay awood u lahaayeen inay huriyaan colaad farha looga gubto ama ay ka hor tagaan kuwo soo fool leh. Salaan Carabeey iyo tixdiisii caanka ahayd ee War tolow colka jooja ee uu ku kala dareeriyay laba beelood oo qarka u saarnaa dagaal lagu halaagsamo ayaa tusaale wanaagsana. “kolkii cuurar dhintaanoo cuttub wayni cidlaataa lays canaanan hadhowe war tolow colka jooja” dhanka kalana Faarax Nuur oo ahaa gabyaa aragti dheer iyo hoggaamiye gunnima diida kana gilgishay caddaalad daro muddo dheer reerkiisu qabeen ayaa waxa ugu weyn ee uu reerihiisa gobanimada ku gaarsiiyey ay ahayd saamayntii uu gabaygiisu ku yeeshay, isaga oo canaananaya si ay u hoggaansamaana waa kii lahaa “haddaan Arab sidaas yeela iyo waano kala quustay, sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan” Kolkii uu ku furay kobtii uu la rabayna waa kii uga tagay dardaarankiisii caanka noqday ee ahaa “lix meeshaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaaada, haddii luqunta laydin kajaro lugaha meermeersha“.
HOGAANKII XORNIMADA DHALIYEY
Dhalin yaradii soomaaliyeed ee xornimada dhaliyey laga soo bilaabo aasaasayaashii xisbigii leegada illaa hurmoodkii dawladnimada waxay ahaa yeen dhalin ay koobnayd aqoontooda maadigaa haddana waxay unkeen oo dhidibada u taageen qaran dhan oo dhismay waxayna sidoo kale amaamudeen dawlad gaamurtay oo tusaale laga dhigan jiray xilligeedii, waxay soo saareen hoggaamiyayaal ku caan baxay karti iyo hufnaan sidii raysal wasaare Cabdirsaaq Xaaji Xuseen ama kuwa kale oo loo qirayb dulqaad iyo daacadnimo sidii madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan. Maysan ahayn aqoon yahanno shahaadooyin waa wayn sita oo inyar-garada ee waxay ahaayeen caqli-yahano indheer-garada oo ku gaashaaman waayo aragnimo, han, hufnaan, karti, amaano, sariigasho, akhlaaq, hawl karnimo, aftahannimo, daacadnimo, iyo dulqaad.
Haddii aad doonayso inaad xaqiiqsato taariikhdii hogaanimo ee ay lahaayeen raggaas aynu kor ku xusnay iyo sidii loo arkayey xilligii ay talinayeen
Gaar ahaan aragtidii ay ka qabeen dawladihii shisheeye ee ay la macaamilayeen kolkii ay talada hayeen ha ahaadeen kuwo waawayn iyo kuwo yar yarba’e, akhri kitaabka Africa’s First Democracy ee uu qoray Professor Abdi Samatar.
Waxaad ogaan doontaa in sifooyinka aynu kor ku tilmaanay iyo raggaani ay is lahaayeen.
HOGGAANKA MAANTA
Wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe ee soomaaliya waxaa marba marka ka dambaysa hoos u dhacayey qiyamkii iyo qaabkii hoggaamiye ku soo bixi jirey. Qof waliba wax uu noqday xil iyo darajo doon , maxaa yeelay xilalkii ayaa waxa ay noqdeen badeecad dukaan taal oo lagu kala gato hadba qiimaha ugu sareeya, ayna ku guulaysato hadba ciddii jeeb dheeri.
Waxaa kale oo iyana soo baxay tilmaamo cusub oo lagu xusho hoggaamiyaha xil iyo darajo doonkaa kuwaas oo ay ugu horayso inuu yahay qurba-joog aqoon yahana oo afgaalaadka yaqaan taas ayaana meesha ka saartay qiyamkii laf dhabarta u ahayd hoggaaminta suuban sida kartida, hufnaanta, hawlkarnimada, iyo wadaniyadda.
Hoggaanka aynu ka hadlaynaayi maahan oo kaliya hoggaanka ugu sareeya ee dalka looga arimiyo ee waa xil walba oo ay soomaali qabato laga bilaabo maamule dagmo ilaa madaxwayne qaran. Nasiib daro waxaa iyaguna aan ka badbaadin aafadaan aynu soo sheegnay hoggaankii dhaqanka oo uu cayn-wareeg wayni ku dhacay qiyamkii iyo xeerarkii loo cuskan jiray caleemo saarkooda, taas oo sabab u noqotay hoos u dhaca wayn ee ku yimid magacii iyo muunaddii ay bulshada dhaexdeeda ku lahaayeen.
Si kastaba ha lagu doortee shaki kuma jiro inay jiraan hoggaamiyayaal waddaniyiina oo haddana qalbi wanaagsan oo ay ka go’antahay inay bulshadooda wuxuun kusoo kordiyaan.
Laakiin jiritaanka caqabado waawayn oo iyaga laftigooda ku gadaaman iyo daruufaha qalafsan ee dalka ku xeeran ayaa ka dhigaya hoggaamiyayaashaana kuwo aan wax wayn doorin karin. Qaar ka mida caqabadaha ugu waawayn ee hortaagan hoggaankaan ayaa waxaa ka mida.
1- maqnaanshaha ay maqantahay awoodii dawladnimo ama baas abuur ( the Monopoly on violence ) ama ay cid kale gacanta ugu jirto taas oo ka dhigaysa iyaga la gudoomiyayaal iyo hoggaamiyayaal aan lahayn kalmada ugu dambaysa.
2- maadaama ay wakhtigooda intiisa badan qurbaha ku soo qaateen waxa aysan waxba kala socon taariikhdii la soomaray gaar ahaan middii burburka iyo waaqica rasmigaa ee uu iminka dalku ku suganyahay taas ayaana sabab u ah mugdiga iyo madmadowga u dhaxeeya iyaga iyo shacabka ay xukumaan.
3- waayo aragnimo la’aan maamul oo haysata gaar ahaan dal iyo dad burburay oo u baahan in lagu dhaqo xeerar aan ka jirin caalamka intiisa kale.
4- aqoon daro baahsan oo ka haysata dhaqanka, hidaha, iyo qaab dhismeedka reeraha soomaaliyeed taas oo keenta inay mararka qaarkood qaataan go’aamo xasilooni daro keeni kara amaba ay ku khaldamaan saami qaybsiga reeraha kaas oo saldhig iyo seesba u ah nidaam siyaasadeedka soomaalida.
5- badankoodu waa hoggaamiyayaal jilicsan oo aanay ka muuqan karti iyo go’aan qaadasho rasmiya taas badalkeedna waxa ay xoogga saaraan khudbooyin xamaasiya oo kiciya dareenka shacabka maalmo ka bacdina si fudud loo hilmaamo
Si kastaba ha ahaatee qodobadan iyo kuwa kale oo badan oo aynaan xusin ayaa ka dhigaya inta fara ku tiriskaa ee leh akhlaaq iyo amaano wax loogu dhiiban karo kuwo aan hoggaamin karin dal aan xasiloonayn oo ay daruufo xasaasiyana ku meersan yihiin, maxaa yeelay waxaa ka maqan karti iyo aqoon. Aqoontaas oo ah waaya-aragnimo lagu maamulo dad iyo dal burburay, si aad waaya aragnimadaas u kasbatana waxaa lagama maarmaan inaad iyaga ka mid tahay la dhaqan iyo xeerna tahay, ee maahan inaad ku soo biirto kolka aad xil-doon tahay.
Kartida iyo waaya-aragnimada ayaa waligeed laga hormarin jirey aqoonta iyo akhlaaqda aysan labada hore ku ladhnayn, nabigeenii Muxamed nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo ahaa hoggaamiyihii ugu waynaa ee caalamkaan soo mara sida laysla qiray gaal iyo islaamba ayaa mid kamida saxaabadiisa oo ku xeel dheeraa aqoon diimeed iyo Alla ka cabsiba waxa uu ku yiri rasuulkii Allow miyaadan xil ii dhiibayn, kolkaas ayaa suubanuhu ugu jawaabey “Abuu darroow waa amaano adiguna daciif ayaad tahay, maalinta qiyaamana waa shalayto”
Waxa uu suubanuhu ina barayaa sida ay kartida iyo qawinimadu muhiimka ugu tahay hoggaaminta.
Qormadaan waxaan ku soo gaba gabaynayaa halkudhagii aan cinwaanka uga dhigay oo ahaa tuduc ku jirey tix uu lahaa abwaan Hadraawi oo ahaa ” sidaad isu doorataan, ayaad isu doorisaan
Hadii aad doorato hoggaamiye qawiya wuxuu doorin karaa wax wayn, haddaadse doorato mid daciifa wuxuu doorin karaa wax yar.
Qalinkii Maxamed Axmed Cilmi

About The Author