DR Gaas oo ka dhabeeyey balamqaadyadiisii ka dib markuu yiri dadku ha isku tashadeen!

0

 

60

Pes Gaalkacyo: Sida aan la wado socona Dr Gaas waxuu sameeyey balanqaadyo aad u waawayn oo uu ku balanqaaday in uu Puntland gaarsiindoona horumar lixaad leh oo dhanwalba ah.

Halkan hoose ka daawo balanqaayadii Gaas qaar ka mid ah

Hadaba maxaa ka dambeeyey in Gaas iyo wasiirkiisa ugu muhiimsan waa kan caafimaadkee la soo shirtagaan in reer Puntland isku tashadaan oo iyagu lacag canshuurtii ay bixinayeen aan ahayn  ay u uruuriyaan adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo sugida nabadgalyada.

Halkan hoose ka daawo Gaas oo reer Puntland ka dalbanaya in ay lacag u uruuriyaan adeegyadii arimaha bulshada fiiri saqiiqada 9:20

 

Halkana  riix si aad u dhagaysato wasiirka caafimmadka oo reer gaalkacyood ka dalbanaya in ay lacag u soo uruuriyaan Isbitaalka Gaalkacyo oo qarka u saaran in uu xirmo, sababtuna ay tahay dawlada Gaas oon siin dhaqaalihii loo qoondeeyey.

167

Waa wax aad loola yaabo in uu Dr Gaas la soo shirtago hadalo noocaan oo kale ah. Gaas waa uu ka dharagsan yahay waxay dawladnimo tahay laakiin xeeldheerayaasha arimha dhaqaalahu waxay leeyihinn canshuurta dadka reer Puntland bixiyaan waxay dawlada Gaas u qoondaysay tacab u dhigasho doorashada Gaas uu ku haminayo ee 2016 ka iyo dalxiis iyo tamashlayn.

 

Marka sidaasaa keentay ayey leehiin xeeldheerayaashu in uu  Dr Gaas yiraahdo shacabka reer Puntland ha u uruuriyaan lacag adeegyadii arimaha bulshada halkii aan la aqoon meeshay canshuurtii dadku bixinayeen loo qoondeeyey.

 

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *