Waxqabadkii lixda bilood ee lasoodhaafay ee xukuumadda Dr. Gaas

0

Marka laga hadlayo waxqabad, waa mid muuqda oo aan ubahnayn in dadka loo muujiyo iyo mid aanan muuqan oo marka la sharaxo lagu qanco. Middaa waxaa barbarsocda, wax qabad la´aan, tayo la´aan hawl laqabtay iyo si khaldan shaqo u qabasho. Sababta shaqo ay ahayd in ay qabsoonto ay u qabsoomi wayday. Waxaa keeni kara marka lagatago dhaqaale iyo qalab, waa Aqoon la´aan, Daacadnimo la´aan iyo taloqaadasho la´aan.
Hadan waxaan daawaday 18/7/2014 soobandhigii qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda, waxqabadkoodii 6 da bilood ee lasoo dhaafay. Marka laga reebo Wasaaradda deegaanka oo si hufan oo aqoon iyo daacadnimo kujirto usoo bandhigay waxbadkoodii 6 da bilood ee lasoodhaafay (well done Mr Guuleed Saaalax Barre iyo team:kaagu waxay mudan yihiin amaan) inta kale waxaa ka muuqatay aqoondaro iyo dacadnimo xummo iyo in ay qaarkood waxqabad kadhigteen hawl wasaaradu soo haysay 5 tii sano ee lasoodhaafay. Bal hadaba waxaa iskudaynaa in aynu qodob qoddob usooqaadano waxay waxaqabad ku kutilmaameen.
Hoos ka daawo warkii 18 07 2014

Wasaarada waxbarashadda.

30
Wasiirka wabarasha Cali Xaaji warsame wuxuu kusoo koobay waxqabkoodii sadex qodob oo kala ah in laqabto shirwayne qaran si dib u eegis loogu sameeyo siyaasadii hore u jirtay, in macalimiinta latababoro, iyo in ay soo heleen deeq waxbarasho. Wariyaha TV gana sheegtay in uu yiri Cali Xaaji.
1. Tababarka macalimiintu iyo tayantooduba waa shaqo hore usoo socotay oo maahan wax ay hadda iyagu qabteen. Taasi waxay gaarsiisay waxbarashdda puntland in safe the children ay qirto in waxabarasha Puntland ku jirto tan ugu harka saraysa geeska afrika ( well done Mr Juxaa iyo team:kiisii)
2. Ardayda A ga keentay maaha waxqabad xukuuma hdda jirtee waa dedaalkii xukuumadii kahoraysay iyo dedaalka ardada iyo iskuulada. Waxaynuna lasoconaa in xukuumada Dr Gaas timid waqtigii qaadida imtixaanka, waxayna ku haboonayd in ay umahadceliyaan team:kii kahorreeyey.
3. Shirka qaran lama qaban ee waa wax ay rabaan in laqabto marka taasina waxqabad maaha. Laakiin su.aasha meshaan la iska waydiinkaraa waa, muxuu wasiirku ula jeedaa qaran? Ma wuxuu ula jeedaa in uu Xamar ku qabto shir waxbarashada Puntland looga hadlayo. Oo markaa siyaasadii soo shaqnaysay ee horumarka lagu gaaray meesha laga saaro si loowaafajiyo tan Xamar ee Cali xaaji iyo Gaasba sida sharci darrada ah oo xaaranta ah ula heshiiyeen.
4. Tan deeqda waxbarashada, waxaa la dhihi karaa waxqabad, Shahaadada ay Puntland bixiso ee ay qaateen ardayda Puntland waxay ku mutaysteen dadaal aad iyo aad u faro badan oo aan ka carabaabi karno in ay usoo dhidideen una usoo jeedeen habeeno badan isla markaasna u soo dhabar adaygeen. laakiin sida aan lawada socono markii uu Cali xaaji kasoo noqday socdaalkiisii uu Suudaan ku tagay iyo kii Xamar ee uga danbeeye. Wasiirka waxbarashadu wuxuu reer Puntland usheegay in aan ardayda Puntland oo sida xalaasha ah ku helay shahaadadooda aanay waxbarasho ku aadi Karin dibada. Marka waxaa haboon in uu wasiirku dadka reer Puntland usheego sida deeqda waxbarashadda ee uu waxqabdka kadhigtay lugu aadayo. Ma shahaado foojari ah oo inta 100 dollar Xamar loo dirsado laga soo iibsanayaa? Hadii wasiirkaan qorshihiisu yahay sidaas. Taasi waa bilawgii burburka waxbarasha Puntland ee laga sooshaqanyey muddada dheer.

Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha

168
Maxamuud Xasan Soocade wuxuu waxqabad kadhigay dakhli wasaaradu soo xaraysay oo kaliya. Waxaase yaab iyo istacajeb samaysay is barbardhigii uu sameey ee ayayd halka bil oo kaliya, bisha Mey oo uu sidan ukala sheegay Barri 9 016$r Nugaal 940$ oo uu isu gayntoodii wasiirku ka dhigay 1 856$ isagoo malaha ulajeeda 9 956$. Tii u soo xarootaydawlada Puntland bisha Mey 2014 in tii uu joogayna wuxuu ku sheegay in ay noqotay 1 8000$. Hadaba fiira gaar ah u yeelo wuxuu is barbardhigay wasiirku hal bil oo kaliya. Hadaba akhristoow maxtahay khiyaana ku jirtaa meeshaas?
Si taas loo ogaado waxaa is waydiin mudan maxay tahay dakhiliga ay wasaaradani qabataa ma mid joogta ah baa? Ma mid bile ah baa? Ma mid marmar la qaadaa?
Jawaabtu waa dakhliga ay wasaaradani qabataa waa Khidmada laga qaado shatiyada ”licence” oo kaliya. Taasoo timaado marka goob ganacsi lafuro iyo marka la cusboonaysiinayo mid hore u jiray. Lacagtaas oo cadadkeedu leégyahay hadba inta ganacsigaasi le´gyahay. Furashadda dukaamadu ama cusboonaysiinta shatiyadu isku mid ma aha bil walba, mid waa badanyahay mid waa yaryahay. Waxaa hubaal ah hadii uu wasiirku uusan khaldin statistics:ka oo aanu hal bil kusookoobin ama uu badin lahaa magaalooyinka in xisaabtu sidaas kabeduwanaan lahay. Marka arintaani waa jahwareerin iyo khiyaano muuqata. Maxuuse wasiiku ugala jeedaa labada gobol oo qura oo uu soo qaatay. Isbedeldoonku ma labadan gobol (Nugaal iyo Bari) ayey Puntland u yaqaanaaniin?

Bal dayooy waa kaas hogaankii Dr Gaase. Wasiiradu sidaan waxqabad kama dhigeen hadii uusan isku darsan Dr Gaas hogaankiisu liidasho iyo jilicsanaan

Wasaarada amniga

169
Wasiirka amniga Xasan Cismaan Allore waxuu isagoo waxqabad ka dhigaya sheegay in uu wasaarada dhexdeeda kafuray wax uu wasiirku kusheegay “Youth club” oo aan umalaynayo in ay tahay xarun dhalinyaradu timaado oo ku qaxweeyaan ama ay billiards kuciyaaraan. Maxay tahay meeshu? Ma xanaanaa? Misse waa xarun dhaqan cellin?
Hadii ay isdhexgalka bulshada ay danaynayaan, soo iyadoo aan xarun looga dhexsamayn uma xilsaarna local Police:ka xaafadaha in ay xiriirka xaafadda iyo iyagu uu hagaago . Ma wasaarad baa shaqadaa leh? Wasaaradu miyaanay u xilsaarnayn tayanta iyo qalabaynta guud ee Police:ka iyo sirdoonka (Waddanka oo dhan ), siyaasad cad oo qodobaysan iyo hiigsiga meesha ay tahay in uu gaarto amnigu? Mise wasiirka waxaa isaga khaldan shaqo local ah iyo midda guud?

Bal dayooy waa kaas hogaankii Dr Gaas e.  Haddii uusan Dr Gaas hogaankiisu ahayn mid liidnaan iyo jileec isku darsaday sidaa umay dhaqmeed wasiiradiisu

Lasoco qaybta kale maalmaha soo socda …

170

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *