Wariye Abdalla Adde oo lagu xiray Garowe

0

 

171

 

 

Ciidamo booliis ah ayaa xabsga u taxaabay fiidnimadii caawa suxufi madaxbanaan oo la yiraahdo Cabdalla Aadan Adde.

Cabdalla Aadan Adde wuxuu ka nid yahay Suxufiyiinta Madaxa banaan ee ka howlgala Garowe, lamana garanayo sababta ka danbeysa xariga Suxufigan. Suxufiga waxaa lagu wargaliyey in uu u xiran yahay amark a soo baxay madaxda dowlada Puntland

Waa Suxufigii ugu horeeyey oo xabsiga loo taxaabo mudadii koobnayd ee ay jirtey Xukuumada Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) .

 

Talaabadan waxay muujinaysaa  tacadiyada ka dhanka ah xoriyada hadalka iyo madax banaanida oo ku sii xoogeysanaya Puntland.

Waa markii labaad oo uu Abdalla xarig kala kulmo Dowlada Puntland, iyadoona sanadkii 2013 Xukuumadii uu hogaaminayay Dr Faroole xabsiga dhigtay.

Waa qoraa ku xeel dheer faalooyinka xiisaha leh, wuxuuna waayo aragnimo iyo aqoon mug weyn ka haystaa ku shaqeynta xirfada suxufinimo.

 

Xafiiska wararka

Puntland.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *