Dhagayso: N Kay ”Waxaa iigu xanuun badnaa sanadkii 2014 dilkii shaqaalihii UN ka ee lagu dilay magaalada gaalkacyo”

Ergeyga Gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa lagu waraystay Barnaamijka Martida makaroofanka ee todobaadkan o oka baxa idaacada VOA somali. Wareysigan ayuu Mr. Kaga hadlayaa qodobo kala duwan, gaar ahaan waxa u qabsoomay xafiiskiisa sanadkii la soo dhaafay, arimaha amaanka ee Somalia iyo waxa u qorshaysan sanadkan 2015. Soomaaliya waxay noqonaysaa wadan xoogan oo federaal ah oo midnimadiisu xoogan tahay ayuu yiri Mr Kay mar wax laga waydiiyey arimaha Federaalka. Ma aaminsani in dawladii dhexe ee jirtay 1991 ka hor in ay soo noqonayso maxaa yeelay wadanku wuxuu gacanta ugu jiraa dad kala duwan ayuu yiri isagoo sii sharxaya Federaalka Mr Kay

Waxaa iigu xanuun badnaa sanadkii 2014 dilkii shaqaalihii UN ka ee lagu dilay magaalada gaalkacyo Puntland

Barnaamijka oo dhageystiran halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.


Puntlandes.com

About The Author