Xog: Mr Gaadayare oo Rahmad u haysta Gobolka Mudug (Boqorka Mudug)

Xisaabiyaha Guud Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” isla markaasna ah ninka ku amarkutaagleeya talada Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo Mr Maxamuud Cali Yusuf (Gaadayare) ayaa ah nin ku amarkutaagleynayey Gobolka iyo Xuruntiisa mudd ka badan 16 sano. Mr Gaaddayare waxay walaalo yihiin ayna wada shaqeeyaan Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo hore u soo noqday madaxweyne ku xigeen iyo Wasiirka Maaliyada Puntland. Hadaba Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes.com ayaa akhristayaasheeda u soo gudbinaysa  sababta u sahashay in uu waqtiga intaa le’eg ku amarkutaagleey Gobolka Mr Gaadayare.

1353

Gaagaab

1309

Gaadayare

Sida uu Mr Gaadayare Laaluushka u bixiyo

Wuxuu gacanta ku dhigay dhamaan inta uu Hungurigu jiidan karo isagoo ay Lacagtii Ummadda ka dhaxaysay oo canshuurta loo qaaday u qaybiya . Mr Gaadayare waxa uu ku Takhasusay Musuqmaasuqa wuxuuna uu dadka u qaybiyey afar qaybood.

  1. Kuwa Qaadku dilooday afmiifaaradana ah kuwaas qaadkooda meel buu u saaraa.
  2. Niman Koofiyad baclayaal ah shegtana in ay Beelaha Gobolka metelaan kuwaasna Qaadkooda iyo Billkooda meel buu saaraa.
  3. Shaqsiidka  Gobolka u dhashay ee banaanka ka yimaada uuna ka shakisan yahay muraadkooda iyadoo dadka uu arko in ay han siyaasadeed leeyihiin uu Qarashka Hotelka iyo kan maalin laha ah uu meel u saaro.
  4. Nimanka Siyaasiyiinta caanka ah ee leh hanka in ay Puntland madaxweyne ka noqdaan uuna arko waa soo bixi karaan, isagoo lacag badan oo ay doorashada ku galaan siiya.

Madaxweynayaashii Puntland iyo Mr Gaadayare (Boqorka Mudug)

AUN madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa magacaabay Mr Maxamuud Cali Yusuf (Gaadayare) muddo 16 sano ka hor ah. Waxaa ku xigay madaxeyne Cade Muuse oo uu doorashadiisii iyo intuusan madaxweynaha noqon ee uu Maxamed Cabdi Xaashi madaxweynaha ahaa uu Mr Gaadayare siiyey madaxweyne Cade lacag aad u farabadan oo uu ugu abaaldhiganayey si uusan marká uu madaxweyne noqdo xilka uga qaadin.

Markii uu u tartamayey madaxweyne Dr Faroole madaxtinimada Puntland waxa uu Mr Gadayare siiyey Faroole lacag cadadkeedu ahaa 100000 doolar.Nin oday ah oo uu u xog waramay madaxweyne Faroole ayuu ku yiri markii uu ku guulaystay talada dalka Mr Maxamuud Cali Yusuf (Gaadayare) abaal aanan u gudikarin ayuu igu leeyahay marka waxaan balanqaadayaa in aanan ka qaadin jagada inta aan xukunka hayo.

Xiriirka Madaxweyne Dr Gaas iyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug)

Markii uu Cabdiwali imaanayey Puntland (Gaalkacyo) dhamaadkii 2012 ayuu waxa uu ku sooryeey aduun lacageed oo gaaraya 35000 doolar, Cabdiwali oo markaas aad ugu baahnaa lagactaas. Waxaa xigay markii uu bilowday tartankii doorashada dabayaaqadii sanadkii 2013 waxa uu Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare siiyey Musharax Cabdiwali Maxamed Cali Gaas lacag dhamayd 100000 doolar waxa uu ganacsatada Gobolka uga soo ururiyey lacag kale.

Sidii Cade iyo Faroole ayuu madaxweyne Cabdiwali u arkaa in uu u hiiliyey Mr Gaadayare xili uu hiil u baahnaa abaal wayna uu u hayo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes.com u xaqiijiyey in madaxweyne Gaas Isagoo abaalkaas gudaya in uusan xilka ka qaadayn Mr Gaadyare inta uu xukunka hayo.

Akhriste ogow waxa uu Mr Gaadayare ku Laaluushayaa dadka waa hantidii ummadda ka dhaxaysay, lacagtii ay shacabka Gobolka Mudug  ku bixiyeen Canshuuta si loogu qabto adeegyada kala duwan, kuwaasoo dhamaantiood dayacan.Inta uu uu Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) hayo xilkan Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo midna Horumar ma gaaridoono, Amni iyo adeeg bulshana haba sheegin.

Puntlandes.com

About The Author