Puntland oo Fanaaniin uu ka mid yahay Axmed Naaji ku soo kireysatay lacag badan si ay uga tumaan Xaflada Sanad-Guuradii Koowaad ee M/weyne Gaas

Fanaanka caanka ah Axmed Naaji Sacad ayaa soo gaaray Magaaladda Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland,waxaana lagu soo kireeyay lacag badan.

Fanaankan ayaa casumaad ka helay Madaxtooyada Puntland oo ku casuntay,inuu ka tumo Sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne C/weli Gaas oo ku beegan 8-da Bisha Janaayo.

Sida ilo ka agdhaw u xaqiijiyeen Warbaahinta Puntlandes.com waxaa si xawli ah u socda u diyaargarawga Xafladan, Sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne C/weli Gaas oo ku beegan 8-da Bisha Janaayo. Waxaana lagu hawlan yahay tirinta/alifida Heeso, Gabayo iyo Buraanburo farabadan oo lagu amaanayo Madaxweyne Dr Gaas.

Waxaana Xaflada lagu casuumay oo ka soo qayb galaya dad aad u farabadan oo intooda badan diyaarado looga soo daadguraynayo Xamar iyo waliba Qurbojoog badan. Waxa ka dhexmuuqan doona Xaflada Dr Gaas Xukuumadii ku meel gaarka ahayd ee uu hogaaminayey ee “Badbaado Qaran”

Waxaa loo xaqiijiyey Puntlandes.com in qarashka ku baxayaa uu yahay mid aad u farabadan. Waxayna ku soo aadaysaa iyadoo aysan Mushaarkoodii mudo bilo ah aysan qaadan Ciidamada iyo Shaqaalaha dawladda isla markaana aan la bixin qarashaadkii ku bixi jiray adeegyada Bulshada.

Waxay kaloo ku soo aadaysaa iyadoo uu Amaanki Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa magaalada Gaalkacyo uu faraha ka baxay.

Puntlandes.com

About The Author