Akhri-Warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM SRCC Amb. Maman Sidikou

Warsaxaafadeedkan ka soo AMISOM SRCC Amb. Maman Sidikou ayaa looga hadlay qodobo kal duwan laakiin waxaa u muhiimsanaa qodobka looga hadlay siyaasada Somalia.

SRCC ayaa ugu horayn ku booriyey Ra’iisul-wasaaraha Somalia Mudane Cumar Sharmarke iyo dowladiisa in la hirgaliyo xaqiijinta ajandaha Hiigsiga 2016.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Baarlamaanka DFS in ay sii wadaan ka ciyaarida

door wanaagsan kana shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa Hiigsiga 2016.

Ugu dambayntii waxa uu Warsaxaafadeedkan ku yir Amb. Maman Sidikou ”Hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Mudane Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, Ra’iisul Wasaaraha,

iyo sidoo kale madaxda maamul Goboleedyada ku meelgaarka ah waxayna ogyihiin in ay haystaan taageerada Midowga Afrika”

Warsaxaafadeedkan iyo kii ka horeeyey ee ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki-moon. Waxay u egyihiin weero Diblomaasiyadeed oo ku Foorara madaxweyne Xasan Sheekh oo dalkii Somalia ka dhigtay NGO uu leeyahay.

1354

Halkan ka akhri Warsaxaafadeedkii oo dhamaystiran

SRCC-Media-Briefing-4-Jan-2015

Puntlandes.com

About The Author