Baarlamanka Puntland oo diiday tagitaanka Xaflada Madaxweyne Gaas

Xaflada caawa loogu dabaal degay magaalada Garowe sanad guurada 1-aad ee kasoo wareegtay doorashadii 08 Jan 2014 Madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo Ku xigeenkiisa ayay ka gaabsadeen inta badan gollaha Wakiilada Puntland inay goob joog ka noqdaan ka dib markii lagu casumay Xildhibaanada iyo Madaxdooda.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa xilligan socdaal ku jooga magaalada Bosaso, waxaana ku sugan magaalada Garowe oo ah madasha xafladu ka qabsoontay ku xigeenadiisa iyo Inta badan Xildhibaanada oo ka gaabsaday inay tagaan xaflada.

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta Puntlandes waxa ay xaqiijiyeen sababta ay u tagi waayeen xaflada inay ugu wayn tahay baratakool xumo hareysay Madaxtooyada taasna ay sabab u tahay markii 2-aad inaysan tagin mudane ka tirsan baarlamanka Xaflada Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Caleemo saarkii Madaxweyne Gaas iyo Ku xigeenkiisa ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay ka baaqdeen inay ka qayb galaan Gollaha Xildhibaanada iyo Madaxdooda waxayna sababtay caleemo saarkii ka dib in Madaxweynuhu uu si gaar ah ugu sameeyo Gollaha Wakiilada xaflad uu kaga raali galinayo khaladaaad baratakool xumo oo ay ka tirsanayeen maamulka Madaxtooyada.

Diidmada Baarlamanka Puntland inuu tago xaflada loogu dabaal degayo sanadkii kasoo wareegay mudadii ay xafiiska joogeen Madaxda Xukuumada ayaa banaanka keenaysa khilaafyada dhex yaala Baarlamanka iyo Xukuumada Puntland.

Ountlandes.com

About The Author