Abwaan Shube oo shacabka Puntland u iftiimiyey waxqabadka dawlada Gaas

Xafladii ay Madaxtooyada Puntland ku xusaysay sanadguuradii ka soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa caawa lagu qabtay madaxtooyada Puntland. Waxaa ka soo qaybgalay madxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Inj Camay, Wasiiro iyo Martisharaf farabadab. Waxaa halkaas madadaalada iyo Amaanta Dr Gaas, suugaan uga qaybqaadanayey Kooxda Waaberi Puntland oo uu Hormuudka u yahay Abwaan Shube iyo Fanaaniin kale oo uu ka mid ahaa Axmed Naaji.

1383

Abwaan Shube

Majaajiladii ay Kooxda Waaberi soo Bandhigtay

Nin Kooxka ka tirsan baa wuxuu waydiiyey Abwaan Shube ”Oday Soomaaliyeed oo hadana siyaasada u dhuundaloola ayaad tahaye, maxaad ku cabiri lahayd waxqabadka dawlada uu madaxweynaha ka yahay Dr Gaas”? Markaas ayuu Abwaan Shube ku soo koobayaa waxqabadkii Xukuumada Dr Gaas ”Kulankii ay Wasiiradu iskula xisaabtameen”

Cabiraada Abwaanku waa sax oo haddii run la rabo in la sheego maxay qabatay Xukuumada Dr Gaas? Jawaantu waa waxba.

Heestii Abwaan Shube qaaday ee xaflada dhan bedeshay

Abwaan shube ayaa masraxa soo koraya meeshii looga fadhiyey Amaan iyo buunbuunin wixii karaankiis ah in uu ku amaano Dr Gaas iyo Xukuumadiisa ayuu wuxuu yiri maanta Xaaskayga Muxubo ayaan amaanyaa ee cid kale amaanimaayo. Markaas buu Hees cajiib ah oo dadku u riyaaqeen qaaday. Heestu midhaa waa la iiga fiican yahay suugaantee waxay ka tarjumaysay Puntland iyo siday marakan dabinka ugu dhacday.

Madaxweyne Cadde maxuu ka yiri heesta Shube?

Waxa kaliya oo runta ka ahaa wixii horti la sheegay waxay ahayd buu yiri Maxadweyne Cadde Heestii uu qaaday Abwaan Shube. Intiina kalena been baadsheegteen ayuu yiri cadde.

Madaxweyne Dr Gaas maxuu ka yiri heesta Shube?

Si fiican bay u taabatay madaxweyne Dr Gaas Heesta uu qaaday Abwaan Shube wuxuuna yiri isagoo wajigiisa caro ka muuqato ”Shube fanaaniintii kale wuxuu yiri dawlada amaana isna Xaaskiisa Muxubo ayuu amaanay”

Isku soo duuboo Abwaan Shube wuxuu Barxada ama Banaanka soo dhigay wixii dadku wada arkayeen ee ahayd in wax ay qabato iska daaye ay Xukuumada Dr Gaas Boholk ku riday Puntland ayna Qatar ku jirto Jiritaankeedu.

Puntlandes.com

 

About The Author