Deg Deg: Madaxweyne Cadde Puntland Bur-Bur ayey qarka u saaran tahay

Caawa ayaa waxaa ka dhacay Madaxtooyada Puntland Xafladii  ay ku xusaysay sanadguuradii ka soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali. Waxaa ka dadkii ka soo qaybgalay ka mid ahaa madxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Inj Camay, Wasiiro, madaxweynuhii hore ee Puntland Cadde Muuse iyo Martisharaf farabadab. Madaxweyne Cadde ayaa Makarafoonka lagu soo dhaweeyey wuu ka cudurdaartay lagama yeelin e waa lagu qasbay.

SONY DSC

Cadde Muuse

Madaxweyne Cadde maxuu ka yiri waxqanbadka Dr Gaas?

Wuxuu cadde hadalka ku bilaabayaa shalay baan imid ”cabasho maahee wax kale ma arag” Wuxuu kaloo intaa ku sii darayaa isagoo naqdinaya dadka faraha badnaa ee amaanayy dawlada Dr Gaas Been baad sheegaysaa wax la qabtay ma jirto dadku waa wada qaylinayaa.

Cadde oo aad uga tiiraanyeysan sanadkii tegay meesha uu madaxweyne Dr Gaas geeyey Puntland ayaa yiri ”Puntland waxay leedahay cadaow farabadan oo in ay dumiyaan doonaya …Mudug day… Macdantii waa lanoo diiday oo waa la inaka hor isytaagay. Puntland qatar ayey ku jirtaa..

Cadde wuxuu ka hadlay waxyaalo badan oo xaqiiqda maanta Puntland ka jirta taabanaysay.

Faafaahin iyo falanqayn kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author