Weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday saldhig boolis ku yaal Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar bambaano lagu weeraray Saldhiga Booliska magaaladaas, iyadoo weerarkan uu sababay dhaawacyo soo gaaray askar ku sugneyd saldhig iyo qof rayid ahaa.

1391

Kooxo aan la aqoonsan ayaa labo bam gacmeed ku tuuray Saldhigan booliska, waxaana qaraxyadan dhawaqooda ahaa mid laga maqlay dhamaan xaafadaha Boosaaso, iyadoo ciidamada booliska durbaba howl galo ka bilaabeen agagaaraha Saldhiga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labo askari iyo qof dumar aheyd uu dhaawacyo ka soo gaaray weerarkan bambaano, inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari.

Weerarkan bambaano ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ciidamada Puntland ay maalmihii u dambeeyay howl gallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab Buuraha Galgala.

Puntlandes.com

About The Author