Raysul Wasaare Sharmarke oo markii la magacaabay laga joogo 26 cisho kuna guulaysan la in uu dhiso Gole Wasiiro

Raysul Wasaaraha cusub ee DFS  Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa la magacaabay 17 ki dec 2014 iyadoo uu Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 25 kii dec 2014. Waxaa laga joogaa markii la magacaabay Raysul Wasaare Sharmarke mudo 26 cisho ah isagoo aysan wali u suurto gelin in uu soo magacaabo Gole Wasiiro, hadaba Raysul Wasaare Sharmarke oo waayo aragtinimo u leh shaqadan maadaama uu hore u soo noqday Raysul Wasaare maxaa hortaagen in uu soo magacaabo Gole wasiiro?

Jawaabtu waa u cadahay ummadda Soomaaliyeed oo waa faragelin ka imaanaysa madaxweyne Xasan Sheekh isagoon u ogolaan in uu si madaxbanaan u soo xusho Raysul Wasaare Sharmarke Gole Wasiiro oo la shaqayn kara ayna isla jaanqaadi karaan. Madaxweyne Xasan ayaa wata liis ay ku qoran yihiin Wasiiro isaga saaxiib la ah kana soo qaybqaatay rididii labadii Raysul Wasaare ee ka horeeyey Raysul Wasaare Sharmarke.

Maalinkii shalay waxaa soo saaray Qoraal in ka badan 100 Xildhibaan DFS kaasoo ka koobnaa 6 qodob oo uu ka mid yahay qodob ay uga digayaan in 4 qof lagu soo daro Golaha Wasiirada DFS kuwaasoo kala ah:

  1. Faarax Cabdulqaadir oo loo waday Wasiirka Garsoorka
  2. C/Kariim Xuseen Guuleed oo loo waday Wasiirka Arimaha Gudaha
  3. Xuseen Xalane oo loo waday Wasiirka Maaliyadda
  4. C/laahi Maxamed Sanboloolshe oo loo waday Wasiirka Amniga

1395

Raysul Wasaare Sharmarke ayaa waxaa haysta culays in uu soo magacaabo Gole Wasiiro oo ka gadmi kara Baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed madaama Kooxda Dam Jadiid ee ka talisa Vila Somalia ay doonayso liis ay iyadu wadato, ayna ku qoran yihiin Shaqsiyaad caan ah oo aan ka gadmi karin ummadda Soomaaliyeed Carqaladna ku noqondoona shaqada Raysul Wasaare Sharmarke.

Puntlandes.com

About The Author