Socdaalka Gaas ee Gaalkacyo: Yaa adkaandoona Madaxweyne Gaas iyo Kooxda Gaadayare?

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan socdaal ku tagaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wararka laga helayo safarka madaxweynaha ayaa sheegaya inuu la xiriiro ujeedada uu u tagayo Madaxweyne Gaas isku dhexyaac, far isku fiiq iyo wada shaqeyn la,aan baahsan oo ka dhex jirta masuuliyiinta maamulka Gobol Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo.

390

Taasoo keentay in ay gabi ahaanba istaageen shaqooyinkii maamulka gobolka, Degmada iyo Taliska ciidmaada Booliiska. Iyadoo abuurtayna Amnidaro aad u xun oo wal-wal ku abuuray shacabka Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

1390

Gaadayare iyo Gaagaab

Waxa ka taagan Gobolka Mudug ayaa waxaa abuuray sababna u ah Kooxda aadka u awooda badan ee uu Hogaamiyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) ayna ku xigaan Gaagaab iyo Dhagawayne. Kooxdani waxay haystaan si gaar ahna u isticmaalaan dhamaan ilaha dhaqaalaha ee Gobolka iyagoo haystay intii Puntland jirtay iyo ka horba.

699

Dhagawayne

Kooxda uu hogaamiyo Gaadayare mar walba oo ay dareemaan in ay waayayaan awooda ay ku leeyihiin Gobolka waxay abuuraan Jahwareer iyo iskudhexyaac waxayna isticmaalaan dhaqaale aad u fara badan. Waxay ka yeleen Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa meel ayan ka jirin wax dawladnimo ah, waxayna ku horgudban yihiin Horumarka Gobolka iyo Xaruntiisa iyagoo dhaqaalihii Gobolka si khaas ah u isticmaala, horna joogsada in ay Gobolka iyo Xaruntiisa Gaalkacyo madax ka noqdaan Ruux aan maqaarsaar ahayn sidii ay u Cayriyeen Duqii ugu shaqada fiicnaa mr Cuuke.

Maalmihii lasoo dhaafey Jahwareerka ay Kooxda Gaadayare abuurtay waxay kala ahaayeen:

  1.  Is casilaadii Taliyihii qaybta gobolka Mudug uu is casilay iyagoo ku qasbay taas,
  2. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Tigeey culays xoogan ay saartay Kooxdu ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ku biiray Al-Shabaab.
  3. Taliyaha Ciidan Birmadka oo ka tirsan Kooxda Gaadayare ayaa lagu amray in uu shaqada amni sugida joojiyo
  4. Khalkhal iyo amnidaro baahsan oo ka abuurantay Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa
  5. Iyadoo ay Kooxda Gaadayare lacag badan ku bixisay in ay dad u dhashay Gobolka Mudug u dirto Gobolka Galgaduud si ay Culays siyaasadeed u saaraan madaxweyne Gaas
  6. Waxaa Kooxdu joojisay dhamaan shaqadii xafiiska Duqa magaalada Gaalkacyo

1037

Gudoomiye Tigeey ayaa dhowaan cabasho u tagay caasimada Puntland ee Garowe waxaana la isla dhexmarayaa inuu Istiqaalad keeney balse ma jiro warar xaqiijinaya in laga aqbaley.

1250

Gudoomiyaha degmada Galkacayo oo Kooxdu markii hore wadatay ayey markii dambe ku kaceen waxayna saareen cadaadis aad xoog isagoo iminka safar ugu maqan wadanka Sweden halka uu xilka sii hayo ku-xigeenkiisa. Waxay Kooxdu ku guulaysatay in uusan ku-xigeenkuna wax shaqo ah qaban.

Safarkii Hore ee madaxweyne Gaas ku tagay G Mudug

Safarkii koowaad ee uu madaxweyne Gaas ku tago Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo ayaa Garoonka diyaradaha magaalada Galkacayo lagu diley labo qof oo Ajnabi ah oo u shaqeynayey Qaramada Midobey kadib markii madaxweyne Gaas booqasho ku tagey gobolka Mudug.

Ilaa iyo iminka wax faahfaahin ah lagama soo saarin baaritaankii Gudiga Wasiirada loo saaray. Gacan ku-dhiiglihii gaystey falkaan ayaa weli wax Maxkamad ah la soo taagin iyadoo wararku sheegayaan in eheladiisa ku doodayaan inuu maskaxda ka jiran yahay islamarkaana uusan miyir qabin.

Safarkan SHUL AMA SHAL

1396

Safarka madaxweynaha Puntland oo ah midkii labaad ee uu ku tago Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Galkacayo ayaa noqon doona mid SHAL AMA SHUL AH. Taasoo micnaheedu yahay in Gobolka Mudug uu maamul la mid ah sida Gobolada kale oo shaqeeya yeesho ama uu noqdo Gobol uu dayacay madaxweynihii ka soo jeeday ugu dambayna uu la wareego CabdiQaydiid lagana jaro Puntland.

Shacbka Gobolka Mudug

Dadweynaha gobolka Mudug ayaa aad u kacsan waxayna dhawrayaan imaanshaha madaxweyne Gaas iyagoo kula xisaabtamidoona sida uu u maareeyo masuubada (Kooxda Gaadayare hogaamiyo) ku hadsatay Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo oo u diidan nolol iyo Horumar.

Mustaqbalka Gobolka Mudug oo xiran sida uu ka yeelo madaxweyne Gaas

1377

Wax la dhawraaba waa yaa adkaan doona madaxweyne Gaas iyo Kooxda uu madaxda ka yahay Gaadayare. Haddii Gaadayare Kooxdiisu guulaysato Gobolka Mudug waa u dhamaatay waxaana lahaandoona CabdiQaybdiid waxaana laga jaridoonaa Puntland iyadoo lagu dari doono  Galgaduud.

puntlandes@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author