Radio Gaalkacyo oo xalay Bam lagu weeraray

Gaalkacyo (Pes) Xalay labo qarax oo ah bam-baanada gacanta laga tuuro ayaa lugu weerarray Idaacadda Radio Gaalkacyo,weerarkaas oo nasiib wanaag aan cidna wax kuma noqon,sida ay Raxanreeb u sheegeen maamulka Idaacadda.

Labo nin ayaa la sheegay darbiga dambe ee idaacadda inay ka soo tuureen bam-bada gacanta laga tuuru,waxaana ay ku dhaceen qeybo ka mid ah xarunta ay idaacadda ku shaqeyso.

Weerarkaan waxaa uu ka dhigaya kii labaad oo wax ka yar labo toddobaad lugu qaado idaacadda Radio Gaalkacyo oo sidaan oo kale labo bam-baano oo lugu tuuray ay ku dhaawacmeen labo wariye oo ka tirsan Idaacadda.

Ilaa hada ma jirto cid loo qabtay ama lagu tuhunsan yahay afarta bam-baano ee lugu tuuray Radio Gaalkacyo. Laakiin waxaa caado u ah Ciidamada amniga inay shegaan baaritaan baan wadnaa!!!

Waqtiyadii u dambeeyey waxaa faraha ka baxay Amniga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyadoo ay sabab u tahay maamul la’aan baahsan oo jira Gobolka iyo Xaruntiisa Gaalkacyo.

Puntlandes.com

About The Author