Muxuu sharcigu ka qabaa in Marwada Madaxweynaha Puntland Prof Hodan Siciid Ciise uu shaqo sare siiyo madaxweynaha DFS Xasan?

Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes ayaa ogaatay in uu shaqo heer sare ah siiyey madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Marwada Madaxweynaha Puntland Prof Hodan Siciid Ciise isagoo tixgelin siiyey codsi uga yimid ninkeeda oo ah madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

1460

Madaxweyne Xasan ayaa Marwada madaxweynaha Puntland ku daray Gudiga sare ee maamula Bangiga Dhexe ee Somalia iyo dhaqaalaha dalka Somalia. Waxaa shaqadaas u dalbay xaaskiisa madaxweynaha  Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagoo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay in shaqadaas la siiyo Xaaskiisa.

1458

Waxaa loo magacaabay Marwada Madaxweynaha Puntland jagadan heerka sare ah bilowgii bishii maajo ee 2014. Waxaa Soomaalidu tiraahdaa ”Af wax cunay xishood” madaxweyne Gaas ma la xisaabtami karaa DFS uu hogaamiyo madaxweyne Xasan haddiiba uu madaxweyne Xasan uu shaqo u siiyey Xaaska madaxweyne Gaas? Muxuuse sharcigu ka qabaa in Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof Hodan Siciid Ciise uu shaqo sare siiyo madaxweynaha DFS Xasan? Taasoo noqonaysa ”Laaluush” Sidee ayuu u difaaci karaa madaxweyne Gaas danaha Puntland haddiiba Xaaskiisa iyo Caruurtiisa Xamar joogaan inta badan?

Madaxweyne Gaas Puntland wuxuu ka dhigtay Jaranjaro ama salaan uu ku gaaro danihiisa khaaska ah wuxuuna u maamulaa dalkii Puntland la oran jiray ee 16 ka sano soo jiray sidii ”shirkad yar” oo uu leeyahay. Waxaase yaab ah in dadkii u soo tiir iyo tacab beelay Puntland ay ku daawnayaan BURBURKA uu ku wado Gaas Puntland.

Waxaan dhawraaba haddii aysan shacaka Puntland iska qaban madaxweyne Gaas waa isagoo ruux kale oo qoyskii ka tirsan shaqo uga raadiya maamulka uu CabdiQaybdiid garwadeenka ka yahay ee ”Gobolada Dhexe”

Puntlandes.com

About The Author