Daawo Sawiro: Dhismihii Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada BurSaalax oo soo gabagaboobay

Naftaada ka Qaad oo Naftaada u Qaad – Walalayaal,

 

Hoos waxaad ka daawan kartaan sawiro muujinaaya dhamaystirka iyo quruxda ka muuqata Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee BurSaalax – Gude iyo Dibadba.

Maasha-ALLAAH. Sawiradaan waxaa soo gudbiyey Sh. Muuse Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa ragii hormoodka ka ahaa hawshii waynayd ee dhismaha masaajikaas – ALLAAH SWT ha ka abaal mariyo e.

Dhawaan waxaan tagey wadankii, waxaan dhawr maalmood joogay magaalada BurSaalax oo nasiib u helay in aan ku tukado Masaajidka Abuu-Bakar As-Sadiiq. Maasha-ALLAAH, sida ka muuqata sawiradaba, waxaan arkay ma aha wax aan ka sheekayn karo amaba loo sawiro karo qof tagay ma ahee qof kale. Qurux aad u baaxad wayn, qabow baahsan, jawi cibaado oo aad is leedahay yaan masaajidka ba ka bixin.

Intii hawshaan hormoodka ka ahayd, intii wax ku darsatay naf iyo maalba, ALLAAH SWT waxaan uga baryeynaa in uu miisaanka xasanaadka u saaro oo culays uga dhigo, Aakhiro iyo Aduuna uu barakeeyo – Dad iyo duunyoba – Aamiin – Insha-ALLAAH.

Sh. Muuse waxaa uu ii sheegay in masaajidka lagu leeyahay lacag dhan $15,000. Waxaana uu intaa iigu daray hadal kaftan ah – “Intii wax ku darsatayna ALLAAH khayr fara badan ha ugu badalo, intii uu dhaafayna, Samir iyo Iimaan ALLAAH ha ka siiyo”. Hadaba waxaan oran lahaa, anna galno ducada qyabteeda hore oo dayntaas masaajidka aynu wax ka bixinno – ALLAAH idankiis.

Waxaa kale oo aynu in badan isu dhaagnay, oo xaqiiqa ah – “In aan sadaqada maalku ku dhinmin ee uu ku bato oo uu ku tarmo”. Ilaahoow tii roon na waafaji, adduunkaan walaaqan – Aamiin – Insha-ALLAAH.

Qofkii wax la baxaayow oo ku sadaqaysanaya allah hortiis rabana in uu ka qaybqaato dhismaha Masaajidkaas, fadlan, waxaad ku aadisaa cinwaanadaan hoose:

  1. Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji, Tel. No. +25290-7799913 – Bur Saalax.
  2. Xasan Yaasiin Sugulle, Tel. No. +25290-7796988 – Boosaaso.

Mahadsanidin.

W/Q: Ibraahiim C. Shire

Daawo sawiro
1

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30

 

Puntlandes.com

About The Author