Madaxwaynaha Puntland oo Xalay la kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Gobalka Nugaal

Garowe (Pes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Odayaasha dhaqanka Gobalka Nugaal ee Ciise Maxamuud ayaa habeenimadii xalay kulan ku yeeshay Hotel Rugsan ee magalada Garowe.
Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Degmada Garowe ayaa waxaa muhiimadiisu ahayd sidii la isaga xogwaraysan lahaa xaalada Gobalka iyo dhibaatooyinka ka dhashay Mushahaar la’aanta ciidanka iyo shaqaalaha kale ee dowlada.

Odayaashii kulanka joogay ayaa intooda badan ka hadlay xalada Deegaanka,Amniga, Mushahar la’aanta, dhulka lagu habsanayo,dib u habaynta shaqalaha,kan ciidanka, arrimahaasi ayay ku sheegeen in ay cabasho ka qabaan una baahan yihiin in laga qanciyo.

Waxay odayaashan ku dheeraadeen mushaharka la’aanta ciidanka iyo shaqalaha kale ee dowladda, kuwaasoo saamayn ku yeeshay qoysaskooda, oo qaar ka mid ah caruurtooda laga soo eryay Iskuulada lacag la’aan darteed iyo waliba xarumihii kale ee ay Biilka ka qaadan jireen.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo ayaa marka hore u mahad celiyay odayaasha dhaqanka Gobalka Nugaal sida wanaagsan ee ay uga xog warameen baahiyaha muuqda oo dhanka dowladda laga tabanayaan.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay inay in dhaqaalaha uu saamayn ku yeeshay dagaalka xoogan ee kooxda Al-Shababta Galgala ciidanku kula jiraan, kuwaasoo ilaa iyo hada ka socda Buuraha Galgala.

Arrimaha kale ee Odayaasha dhaqanka Ciise Maxamuud ka hadleen ayuu sheegay madaxwayne Gaas inay wax ka qaban doonaan, Laakiin dhankooda looga baahan yahay inay ku bixinta canshuurta.

Waa markii ugu horeeyay ee kulan uu magalada Garowe ku dhexmara madaxwaynaha Puntland iyo Odayaasha Ciise Maxamuud,

Puntlandes.com

About The Author