Wasiirada Dastuurka iyo Federaalka Puntland oo is casishay

Warar lagu kalsoon yahay oo warsudaha Garowe Online ka heley ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiirada Dastuurka, Federaalka  iyo Dimuqaraadiyada Sahro Siciid Nuur ay madaxweynaha dowlada Puntland u gugbisay qoraal ay xilka golaha wasiirada isaga casileyso.

1495

Qoraalkaan oo sida wararku sheegayan madaxweynaha Puntland loo dhiibey inta uusan u dhoofin magaalada Bosaso ayaa la rumeysan yahay inuu ka aqbalay Wasiirada istiqaalada ay keentey. Arrimaha xilka ay ugu tagtey shaqada wasiirada oo warsidaha Garowe online isku taxaluujiyey inuu wax ka ogaado ayaa la rumeysan yahay iney la xiriirta faragalin madaxweynaha Puntland ku sameeyey arrimaha gudaha ee beesha Wabeeneeye oo ay kasoo jeedo Sahro Siciid.

Bilhii la soo dhaafey ayaa waxa jirtay koox dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beeshaan oo gacansaar siyaasdeed la leh madaxweynaha dowlada Puntland oo radineysay iney Suldaan cusub loo sameeyo qabiilka Wabeneeye iyadoo la dhinac marayo Suldanka beesha Siciid Irbad ee hada jira.

Wasiirka Dastuurka Sahro Siciid ayaa wararkaan sheegayan iney aad ugu xumaatey faragalinta lagu hayo arrimaha beesha iyada oo waqtigaan gacanta ku haysa xilka siyaasdeed ee beehsan ku leedahay dowlada Puntland islamarkaana aan waxba lagala soconsiin talaabooyinkan. Xafiiska madaxweynaha Puntland iyo Wasaiirada Dastuurka ayaan weli ka hadlin is-casiladaan iyo arrimahana siyaasdeed ee soo kordhey iyadoo warsidaha Garowe Online isku dayey inuu la xiriira dhinacyadaas balse u suurtagalin. Kala soco Garowe online arrimaha la xiriira wararkaan.

Xigasho:  Garowe Online

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author