Daawo Sawiro:Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyadda Puntland oo garowe lagu soo dhaweeyey

Garowe (Pes) Waxaa maanta soo gaaray magalada Garoowe Taliyihii hore ee ciidanka madaxtooyada Puntland oo mudo tababar ciidan ugu maqnaa wadanka Kenya gaar ahaan magalada Nayroobi.

Col.Cumar Cabdilaahi Maxamed waxaa madaarka Garoowe kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada iyo siyaasiyiin kale oo ay qaarkood saaxiibo dhow yihiin. qaar ka mid ah ciidanka dowladda ayuu garoonka diyaaradaha kula hadlay wuxuna sheegay muhiimadoodu inay tahay sidii shacabka looga dhicin lahaa kuwa cadowga ku ah hormarkooda iyo nabadgalyadooda.

Taliyihii hore ee madaxtooyadda oo saxaafada kula hadlay gurigiisa ayaa sheegay inuu u taagan yahay sidii amniga looga shaqayn lahaa, wuxuuna tilmaamay inuu mahad gaar ah u hayo ciidanka jooga Kalshaale iyo waliba Galgale oo dagaal kula jira xoogaga Al-Shabab.

ta15ta14ta13ta12ta11ta10ta9ta8ta7ta6ta5ta4ta3ta2ta1Puntlandes.com

About The Author