Sawiro: Madaxweyne Gaas oo la kulmay wafti ka socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo Hay’adda US-AID

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay shalay gelinkii danbe wafti balaaran oo ka socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo sidookale Hay’adda US-AID.

Waftigaan oo si weyn Puntland loogu soo dhaweeyey ayaa u yimi ka qeybgalka shirka hiigsiga cusub ee soomaaliya iyo in ay kulamo la qaataan wasaaradaha iyo hay’addaha Puntland si ay dawladda Puntland uga taageeraan mashaariicda dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo haweenka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintaasi ku dhiirigeliyey in ay kaalin lixaadleh ka qaataan taakuleynta shacabka reer Puntland si simana ay u gaarsiiyaan guud ahaan Gobolada Puntland adeegyada bulshada ee ay bixinayaan.

Waftiga ka socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo sidookale Hay’adda US-AID ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’antahay balaarinta mashaariicda horumarineed ee ay Puntland ugu talagaleen.

Kullankaan ayaa sidookale ahaa mid ay waftigaasi ka socday Saafarada maraykanka ee soomaaliya iyo Hay’adda US-AID ugu xogwaramayeen madaxweynaha dawaldda Puntland waxyaabihii intii ay dalka joogeen la kulmeen iyo qorshahooda sanadka 2015 waxa ay qaban doonaan.

Gebagebadii kullanka ayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen waftigaasi magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland, islamarkaana kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan balan qadka qorshahooda 2015.

 

IMG_2395IMG_2400IMG_2401IMG_2402

 

Puntlandes.com

 

About The Author