Taariikhda Wasiirada lagu dhawaaqay, Kooxaha ay ka tirsan-yihiin iyo Qabiiladooda

1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga ,waa  Isaaq ,Habar Awal,Sacad Muuse ,Nuux Ismaaciil,Reer Gadiid, Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Sirdoonka Mareykanka(CIA) oo ku jiray WarbixintiI Webkka aan runta ka Xishoon ee Wikileaks ay soo daabaceen.

2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan ,wuxuu ka tirsan kooxaha Mayalka adag ee Xagjiriinta Somalia,wuxuuna ka mid ahaa Raggii Maxaakiimta Islaamka la baxay ee Koofurta Somalia.

Wasiir Gaboobe wuxuu ka soo qeybgalay dagaaladii Al -Itixaad la galeen Cabdullahi Yusuf ee Boosaaso ka dhacay,dagaalkii Al Itixaad la galeen Killinka 5aad,waxaa loo yaqaan Ugaas Bile,wuxuuna u ololeeyaa in Somaliland aqoonsi la siiyo.

Wasiir Gaboobe wuxuu degan yahay Hargeysa,waana ninka wada Abaabulka dagaalada Deefoow,Kabxanleey iyo Shabeeladda hoose,isagoo aaminsan qadiyad ku saleeysan aqoonsiga Somaliland iyo in la helo dhulweyne u gaara beesha Dir.

Gaboobe wuxuu qaabilsan yahay Xiriirka Al-Shabaab iyo beelweynta Shir.

3. Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka . Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan,waana Maamulaha Machad-ka Simad ee Madaxweyne Garguurte iyo Faarax Cabduqadir leeyihiin,wuxuu ka mid yahay Kaadiriinta Damujadiid,waa nin ka tirsan shaqsiyaadka boobay Hotel-ka Syl Muqdisho,waxaana meesha loo geeyay inuu Cabdi Kariim Xuseen Guled Madaxweyne uga dhigo Maamulka goboladda dhexe taas oo aan suurgal noqon doonin sida Xeeldheerayaasha qabaan.

4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda ,Waa Raxanweyn,DISOOW,waxaana keensaday Shariif Xasan Sheekh Adan,mana ahan nin awood u leh inuu maamulo Maaliyadda Somalia.

5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga , Waa Daarood,Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia,waana shaqsi afgaaban laakiin waa nin aad ugu dhaw kooxda Damujadiid.

6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil,waa ninkii dhacay hantidii Bankiga dhexe ee Somalia sidaas darteedna isu casilay.waxaana lagu xasuustaa inuu ku soo baxay Warbixintii UN Monitering Group.

7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada ,Waa Daarood,Leelkase,waxeey ku noolan jirtay Canada,waxeeyna leedahay NGO,waxeey saaxiibo yihiin Cumar Cabdirashiid.

8. Fahad Yaasiin Xaaji Dahir(Fahad-Sakiin) Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw Xasan,Reer Aw Mahdi,wuxuu ka tirsan yahay Madaxda Kooxda Damujadiid,waxaana adeer u ah Faarax-Sakiin,wuxuuna horey u ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka AlJazeera,waxaana la rumeeysan yahay inuu yahay Sarkaal u muhiima Sirdoonka Qatar oo ka hoowlgala gudaha Somalia gaar ahaan Muqdisho,waxaana lagu xasuustaa aflagaadooyinkii uu Beesha Majeerteen ee degta Puntland u geysan-jiray,isagoo Aljazeera marar badan ka aflagaadeeyay.

9. Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye,Murusade,waana xubin sare ka tirsan Urur diimeedka Aala Sheekh,wuxuu ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay VOA iyo Aljazeera,wuxuuna Muqdisho ka furtay Machad-ka Heritage.

10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland,waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid.

11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood ,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq,waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim,oo ahaa Wasiirkii Batroolka.

12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada , Waa Daarood,Dhulbahante,wuxuu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xilligii Cabdullahi Yusuf,waana nin lacago badan inuu lunsaday lagu heysto laakiin waxaa keensaday Fahad Yaasiin(Faarax-Sakiin) oo ay isla yihiin reer Nairobi.

13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab Saalax,wuxuu ahaan jiray Gudoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga ee Puntland,waxayna Ilmo-Habreed yihiin Reysalwsaaare CCC-Sharmaarke oo Hooyadiis Carab-Saalax tahay,waana Wasiirka kaliya ee laga soo caliyay Golihii hore ee Wasiiradii la kala diray.

14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha ,Waa Raxanweyn,Lisaan,wuxuu ka mid ahaan jiray Shaqaalihii Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadii Kacaanka.

15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha,Waa Jareerweyne,Shiidle, waa Reer Jowhar.

16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska ,Waa Digil,Gelledi.

17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha,waxaa dhalay General Maxamed Ismaaciil Samatar oo Wasiirka Gaashaandhiga ka ahaa Dawladii hore ee Xukuumadii Kacaanka ee Maxamed-Siyaad Baree,Qabiiilkeedda, Waa Madhibaan,Deegaan ahaan ka soo jeeda Tuulada Yako-Yako ee Gobolka Karkaar ee Puntland ka tirsan,,waxeeyna ka mid aheyd kooxdii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Xisbiga Tayo.
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ,Waa Hawiye,Gaaljecel,wuxuu ka tirsan yahay Urur diimeedka Damujadiid,wuxuu ka tegay London Uk,

19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle,waxaana lagu xantaa inuu ka tirsan yahay Urur diimeedka Aala Sheekh.

20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo ,waxeey la taliye ka aheyd mashruucii Go to school,waxeeyna ka tagtay dalka Ingiriiska.

Puntlandes.com

About The Author