Akhri waxay ka qoreen taageerayaasha Prof Galayr shirkii DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah Ferderaalka

Waxaa lagu soo gabagabeeyey shalay magaalada Muqdisho shir u socday sadex cisho Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka kaasoo laga soo saaray 12 qodob. Hadaba sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya amaba wixii Soomaaliyi ku heshiisay oo ah in ay dawlad Xubin ka ah Federaalka noqon karaan  dawladii buuxisa sharuuda ah:

  1. In laba gobol iyo wixii ka badan oo ka mid ah 18kii gobol ee Soomaaliya ka koobnayd wixii ka horeeyey 1991 dii
  2. Shacabka degen dhulkaas ay si iskood ah u samaystaan dawlad

Ilaa hada waxaa sharuudaa buuxiyey Puntland iyo Somaliland (oo tiri waan ka go’ay Soomaaliya), waxaana iyana buuxiyey laakiin kumeelgaar ah Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Waxaana aan dawlad ilaa iyo iminka lahayn sadex gobol iyo bar ah Koonfurta Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Iyagana waxaa la wadaa sidii ay ku samaysan lahaayeen dawlad.

Shirkii Muqdisho wuxuu ahaa mid Datuuri ah inkastoo ay aad u fiicnayd in gobolada sadex iyo barka ah ee aan ilaa iminka dawlada layn ay iyagoo dawlad ah shirkaas ay ka qaybgalaan hadana sidii shalay la sheegay waxay ku soo biirayaan markay dawlad dhistaan inta ka hiraysana waxbaa la sii wadayaa.

Waxaan hore u ogayn Cabdiqaybdiid madaxweynaha maamulka Galmudug in uu ka carooday maxaan uga qaybgeli waayey shirka oo la iigu casuumi waayey?

Dhinaca kale waxaa lagu soo qoray warbaahinta taaageerta Prof Galayr oo ah madaxweynaha maamulka Khaatumo qoraal lagu dhaliilayo shirkaas sababtuna tahay muxuu Prof Galayr oo Xamar jooga uu uga qaybgeliwaayey shirkaas? Dadkani ma waxay damceen sidii qiiqa Fooxa in Soomaaliya iska dabawareegto oo aysan meelna u dhaqaaqin?

Bal akhri qoraalkan adaa yaabime

Faallo:Shirka Muqdisho ee dawlada ku-meelgaadhka ah iyo xubno lagu sheegay “Maamulada xubnaha ka ah dawlada” waa Khayaamo Qaran.

Qodobada ka soo baxay shirkaas ayaa waxa aad dhamaantood ka dheehan kartaan in mar kale khayaamo iyo duudsi la mid ah kuwii hore Soomaali halkaa dhigay ay kooxo gaar ahi ku saxeexeen,iyada oo si cad la isaga indha tiray in talada dalka iyo dadka Soomalaiyeed umada oo dhan ay qayb ka noqoto oo si wadajir ah loo wada tashado.

Shirkaas ayaa wada madaxda dawlada ee Muqdisho ka Talisa ku casuumeen Cabdi Weli Gaas oo madax ka ah maamulka Puntland,Axmed Madoobe oo madax ka ah maamulka ka taliya Kismaayo ee la baxay isna Jubaland,iyo sidoo kale ninka aad wada garanaysaan oo ka mid ahaa qolyihii la odhan jirey “Saxiixayaasha” oo hada Itoobiya intay diyaarad kaga soo qaaday dalkeeda si khasab ah loo saaray kursiga Baydhabo oo loogu dhawaaqay maamul isna lagu sheegay Koonfur Galbeed.

Sadexdaas nin iyo madaxda dawlada ee Muqdisho Ayaan casuumin dhamaan umada Soomaalida inteeda kale oo aan ka magacaabi karno gobolada Shabeelada Dhexe,Hiiraan.Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale gooblka Sool,Sanaag,Togdheer,Awdal iyo Waqooyi Galbeed oo dhamaan goboladaas aan kor ku xusnay oo Soomalai badhkeed ah aan cid meteshaa madashaas joogin,wax talo ahna aan laga siin masiirka wadanka ay u dhasheen,iyadoo sida nimankaas meesha lagu soo casuumay ayba jiraan rag kale oo Iyana sheegta madaxweynayaal iyo weliba maamulo ay dadku mudo badan u fadhiyeen ay samaysteen oo haysta kalsoonada shacabkooda sida madaxweynaha Galmudug State Mudane Cabdi Qayb-Diid ,Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galaydh,Maamulka Ximan iyo Xeeb, madaxweyne Cabdulaahi Cali maxamed, maamulka Awdal State iyo weliba dadka dega gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo ka mid ah Jamhuuriya Soomaaliya Ayaan wax talo ah ama tixgelin ah la siin.

Hada qodobadaas oo sida loo qoray u eg sida kuwii Road-Mapka oo loogu gogol xaadhayo ina marka la gaadho sanadka 2016-ka hadii eebo idmo ay sadexdaas nin iyo madaxda Muqdisho u tashan doonaan oo qaybsan doonaan talada dalka oo nin walba la siin doono wuxuu soo qorto isagoo markaa iska dhigaya nin meteli kara umada Soomaaliyeed oo sidii horay u dhacday ay iyagu xildhibaanada baarlamaanka danbe ee odayaashu soo xuli doonaan ay iyagu qalinka ugu danbeeya ama ansixinta ugu danbaysa lahaan doonaan oo sidii horay u dhacday ilaa iyo maanta gobolo baan iyo qabaa’ilo badan oo soomaaliyeed ay ka soo kaban la yihiin dhibaarooyinkii iyo diban daabyadii ay ka tageen xubnihii la odhan jirey “Saxiixayaasha”.

Qodobada hadaan hos u eegno wax aka mid ah kuwan hoose:

  1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Saree e Dowladda Federaalkaiyo Dowladaha Xubnaha 

Ugu horayn waxaa cadkii ugu horeeyey loo tuuray C/weli Gaas oo loo ogolaaday in shirka koowaad ee aayaha umada Soomaaliyeed lagu qabto xarunta maamulkiisa ee Garoowe bisha April.halkaas oo uu isku muujin doona isagoo sheegan doona ama loo ansiixn doono inuu metelo deegaamo ka baxsan maamulkiisa sida dhamaan gobolka Mudug,gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn,isla markaana uu shirkaas keeni doono ama ay meteli doonaan umada reer Khaatumo dad aan umadaas metelin oo hadaba Garoowe ugu xaraysan oo ay u saxeexi doonaan inuu Gaas iyo maamulkiisu ka masuul yihiin umadaas

Soomaaliyeed ee iyaga oo wada dhan oo oday iyo siyaasi aanu ka maqnayn samaystay maamulka Khaatumo State of Somalia,balse maanta madaxweynihii Soomaaliya uu casuumaadi u quudhi waayey iyada oo madaxweynihii maamulkaasi uu ku sugan yahay Muqdisho,diyaarna u ahaa in uu wax la toosiyo oo uu teegeero siiyo dawlada Soomaaliyeed,isaga oo aan hub inuu taageero buuxda ka haysta dadka deegaanka uu ka soo jeedo ee Khaatumo badankooda.

  1. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada(Sadexda maamul ee Xamar joogey) oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha.

Gudigaas farsamo ee shirka Garoowe qaban doona ama soo qaban qaabin doona waxaa soo xulaya ama shirkaas wadi doona gudi ay soo xuleen sadexdaas nin iyo dawlada Muqdisho oo keliya ,cid kale oo shirkaas talo ama wax laga weydiin doonaana ma jiro,wuxuuna shirkaasi gogol xaadh u noqon doonaa ama laga soo saari doonaa wixii soomalai lagu dhaqi lahaa sanadka 2016,marka sanadka dawladan hada jirta wakhtigoodu dhamado.

  1. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyoDowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobkan oo ah qodobka ugu khatarsan ayaa sheegaya in waxa dhici doona 2016 ay taladeeda leeyihiin dawlada Xassan ee Muqdisho iyo xubnahaas la shiray oo keliya,oo ay si siman u qaybsan doonaan talada dalka oo macnaheedu yahay in talada Daarood ay masuul ka yihiin ama soo xulayaan xubnaha beeshaas meteli dooana Gaas iyo Axmed Madoobe,meesha beesha Digil iyo Mirifle uu masuul ka yahay Shariif Sakiin oo qudha,iyo sidoo kale ay beelaha Dir,Hawiye iyo Beesha Shanaad uu masuul ka yahay taladeeda Xaaji Culusow oo keliya.

unnamed

Marka la leeyahay “Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka”, waa kuwee? Yaa ansixiyey.yay metelaan?ma waraaq cadayan ah bay haystaan,bal ha nalo cadeeyo ama macneeyo waxa u saamaxay inay yihiin dawladaha xalaasha ah ee xubnaha ka ah dawlada Federaalka.

  1. 5. Waxaa la isla gartay in la dhisoGuddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ahkaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

Qodobkan waxaa uu sheegayaa in gudi ay wasiiro soo magacaabayso dawlada dhexe,qaarna ay soo magacaabayaan Gaas,Madoobe iyo Sakiin oo ay noqon doonaan wasiiro isku awood ah oo Soomaali oo dhan u qaybin doona keligood deeqaha caalamiga ah oo cid aan maamuladaasi raali ka ahayn aanay deeq heli doonin oo 4 meelood loo qaybsan doono waxa wadanka soo gala.

  1. Waxaa la isla gartay inDowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyou xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.

Qodobkani wuxuu la xidhiidhaa kii hore oo waxa qaybsiga deeqaha Soomaaliya oo dhan loogu talo galay xafiisyo arintaas fududeeya oo maamul kastaa samaysan doono si qaybtiisa loogu soo diro ama la awood noqonaya wasaarada arimaha gudha ee Muqdisho.

  1. Inta la gaarayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

Qodobkan oo isna ah qodob khatar ah ayaa waxa si badheedh ah in qaabka iyo inta ay nqoonayaan ciidamada qaranka Soomaaliya ay ka tashan doonaan sadexdaas nin iyo dawlada dhexe oo meelaha ay ciidamadu degeyaan,cida ay la dagaalamayaan,iyo ciidamada tababarada loo dirayo iyo dhaqaalaha ku baxayaba ay ka imaan doonana sadexdaas maamul iyo dawlada Muqdisho oo keliya,oo aan cid kale ciidan laga ogolaan doonin ,loona dhisi doonin.

Hada waxaa umada Soomaaliyeed shirkaas muqdisho ka dhacay iyo qodobaa ka soo baxayba ay ku yihiin bah dil iyo quudhsi  loo gaystey umada soomaaliyeed inteedii badnayd oo si badheedha ah looga qadiyey taladii wadanka ,oo meeshii laga qaban lahaa shir guud oo soomaaliyeed oo dhamaan ay ka soo qayb galaan 18 gobol ee Soomaaliya dad metela, inta ogol Soomaalinimada ,ayaa waxa laga doortay in sadex nin Muqdisho inta la keeno ,intii kalena sadexdaasi masuul ka yihiin iyo Xaaji Culusow.

Waxa la gudboon umada Soomaaliyeed ee aan aaminsanahay inay shirkaas ay ka maqnaayeen Soomaali intii badanayd oo madaxweynihii Soomaaliya sidaa door biday,inay iyaguna shir qabsadaan ,oo qaadacaan shirkaas iyo qodobada ka soo baxay,oo dawlada Soomaaliya lagu khasbaa inay ka noqoto shirkaas khayaamo qaran oo si loo wada siman yahay tala iyo go’aaminta masiirka dalka laga wada qayb geliyaa dhamaan umada Soomalaiyeed si siman oo aan loo kala hiilin oo la isku dilin ,isla markaana laga hor tagaa khatarta ay leedahay in qodobadaasi hirgalaan oo awooda wadanka loo gacan geliyo shakhsiyaad gaar ah oo aan sumcad iyo wanaag toona ku lahayn umada Soomaaliyeed.

Shariif Sakiin ayaa qayb ka ahaa nimankii la odhan jirey Saxiixayaasha 6-da ahaa ee saxiixay in la dhaco xildhibaanada Khaatumo,wuxuuna in badan khayaamay umada Soomaaliyeed ,isagoo marba shaadh cusub soo xidha oo jaalayaal cusub yeesha ,waxaana maanta Baydhabo ku haya ciidan xoogan oo Itoobiyaan ah oo isku xidhay isaga iyo Madoobe oo isna Itoobiya iyo Kenya u shaqeeya,isla markaana aan ku xasuusano siduu uga qayab qaatay dagaaladii maxaakiimta iyo kuwii ka danbeeyey,markii danbena khayaamay ragiisii uu ugu horeeyo Sheekh Xassan turki iyo ragi kaleba ,markii danbena uu iskiis ugu dhawaaqay ama isu doortay horjoogaha maamulka la baxay Jubaland,oo baal madow kaga qoran taariikhda Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale isna xubnahaas ka mid ah Gaas oo mudo sanad ah soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,kadib markuu booska ka riixday saaxiibkiisii ka keenay Amerika oo wasiirka siiyey ee farmaajo,kadib markay u hiiliyeen nimankii la odhan Saxiixayaashu oo ay ku khasbeen inuu Farmaajo is casilo,kadibna ay la wareegeen awoodii wadanka oo ay xataa gaadheen heer ay is hortaagaan ama qof aanay ogolayn uu  galo baarlamaanka Soomaaliya oo sidaa lagu soo xulay baarlamaankii abid ugu liitay Soomaaliya.

Guntii iyo gebagebadii waxaa si khaas ah umada Khaatumo la gudboon inay ka dhiidhiyaan khayaamadaas ka dhacday Muqdisho,taasoo quudhsi ku ah dhamaan umada Soomaaliyeed,khaas ahaan maamulka Khaatumo iyo Galmudug ,Ximan iyo Xeeb iyo kuwa kaleba oo intaan xeedho iyo Fandhaal kala dhicin oo anaay hadhow odhan maxaa cid kale noo metelaysaa oo xildhabaanadayadii iyo taladii dadkaya loo siiyey ay ka hor tagaan intaan qodobadaasi hirgelin oo ay muujiyaan awoodooda siyaasadeed oo xataa haday ka fursan weydo oo dawlada Muqdisho arimaha sida ay hada wax u wado wax ka bedelo weydo ay qaataan go’aamo adag.

Xigasho:http:http://jidbaale.com/2015/02/faalloshirka-muqdisho-ee-dawlada-ku-meelgaadhka-ah-iyo-xubno-lagu-sheegay-maamulada-xubnaha-ka-ah-dawlada-waa-khayaamo-qaran/

About The Author