Sawiro: Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Kenya oo lagu dilay Bartamaha Nairobi

Xildhibaan George Muchai, oo ka laga soo doorto Kabete, ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Nairobi Kenya, waxaana lala dilay laba ilaaladiisa ah iyo darawalkiisii. Mudanahan ayaa lagu dilay waddada Kenyatta ee bartamaha Nairobi, saakay oo Sabti ah, waxaana geerida xildhibaanka iyo saddexda ruux ee la socday u xaqiijiyay warbaahinta, taliyaha booliiska bartamaha Nairobi, Paul Wanjama.

Baabuurka xildhibaanka ayaa la sheegay inuu isku hor-gooyay gaari kale oo ay wateen afar ruux oo dabley ah, kuwaasoo markiiba rasaas ku billaabay gaarigii ay saarnaayeen Muchai, ilaaladiisa, halkaasoo dhammaantood lagu dilay.

“Markii rasaasta lagu furay gaariga, waanu yara hakannay, laakiinse in yar kaddib ayaan u dhaqaaqnay meeshii gaariga Muchair lagu rasaaseeyay, waxaanan ku aragnay maydkiisa iyo maydadka saddexii qof oo ilaaladiisii iyo darawakiisii isugu jiray,” ayaa ruux ka mid ah ehelladiisa laga soo xigtay.

Qof halkaas ku sugnaa ayaa sheegay in ragga toogashada geystay ahaayeen kuwo ay wajiga u duubnaa, isagoo intaas ku darya in markiiba ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen.

Afartan qof ee la dilay ayaa la sheegay in dhammaantood laga toogtay madaxa iyo laabta. Waxaana maydadka halkaas ka qaaday ciidamada booliiska oo geeyay guri la sheegay in lagu diyaarinayo si loo aaso.

Mudanaha laga soo doorto deegaanka Kiambu, Kimani Wamatangi ayaa sheegay in Mr. Muchai dhowr jeer oo loosoo diray fariimmo hanjabad ah, uuna warbixin arrintan la xiriirta u gudbiyay booliiska magaalada Nairobi.

Ugu dambeyn, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo booqday halka lagu dilay Xildhibaanka ayaa sheegay in toogashada lagu dilay xildhibaan Muchai, ilaaladiisa iyo darawalkiisa ay ahayd shirqool cad oo lasoo maleegay.

Saawiro

1552

1553

1554

Puntlandes.com

About The Author