War deg dega: Malayshiyo weerar ku qaadey guriga Jen. Muxiyadiin

Kooxo hubeysan ayaa caawa soo weeraray Guriga uu magaalada Bosaso ka degen yahay taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse . Iska hor imaad xooggan ayaa dhex maray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada taliyaha, kaasoo socday in mudo ah. Wararka hordhaca ah ee Puntlandes ay  heshey ayaa sheegaya in weerarka hal askari lagu diley halka shan kalena lagu dhaawacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii weerarka soo qaadey hal nin laga diley halka ay ciidamadu ku hareeraysan yihiin mid kamid ah dableydii weerarka soo qaadey, kaasoo isaga oo dhaawac ah u baxsaday dhanka xaafadda Raf iyo Raaxo. Qarax ayaa goor dhow laga maqlay aagga ciidamadu ku hareeraysan yihiin, waxaa sidoo kale dhacaysa rasaas aad u fara badan.

Faah faahin intaas ka badan kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author